Madhuri Dixit Oo Ka Hadashay Filmkeeda Bucket List Marathi-ga Ah!!

Bucket List waa film Marathi ah oo noqday filmkii kowaad ee Marathi ah kaasi oo Madhuri sameysa sido kale mashruucan waxaa muuqaal marti ah kuleh Ranbir Kapoor ayado horey loo soo bandhigay goos gooskisa kooban.

Madhuri oo filmkaan ku jileysa xaas misane hooyo ah ayaa saxaafada wax ka weydiysay doorkeda mashruucan waxayna tiri,”doorkeyga filmka waa Madhura Sane waana door xaas guri joogto ah taaso waqtigeda siineysa side u daryeelo lahed una hagi laheed qoyskeda sida caruurteda, waalidkeda, seygeeda iyo waalidkisaba.”

“Wuxuu ka hadlayaa nolosha dhabta ah ee haweenka maanta ku nool yihiin marka la guursado ayagoo daryeelan qoyska seygeeda iyo caruurteda waxaana meesha ka baxeysa oo ay ilaawan nafsadahooda.”