Madhuri Dixit waa boqorada Bollywood-ka taasi oo 90-maadkii fanka Hindiya ka talin jirtay sidoo kalena weli shacbiyad balaaran ku leh gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka waxayna la sheekeesatay shabakada Bollywood Hungama ayadoo arimo xiiso badan ka hadashay.

Madhuri marka kowaad waxaa la weydiiyay waqtigii sacnaa SRK shaashada kusoo wada qaateen iyo inay mustaqbalka la shaqeeneyso waxayna tiri “SRK waa saaxiib iyo jilaa igu qaali ah oo aan waqti qurux badan soo wada qaadanay inta badan dadka waxay xasuustaan bandhigeenii Dil To Pagal Hai sidoo kalena aflaan kale oo qurux badan ayaan wada sameenay waana jeclaan lahaa inaan xiligaan xitaa shaashada jaceyl ku matalno.”

Madhuri sidoo kale waxaa la weydiiyay maxaa diidayo in Ranbir shaashada jaceyl kula matasho inkastoo da’ahaan ay ka weyn tahay marka loo eego in Salman Khan shaashada jaceyl kula matalay Sonam Kapoor iyo sidoo kale SRK oo shaashada jaceyl kula jilay Alia Bhatt dhamaantoodana ay ka weyn yihiin.

Madhuri waxay tiri “Waa sax waa arin dhici karto diyaarna waan u ahay inaan Ranbir soo dhaweesto oo aan shaashada jaceyl kula matalo balse waa in la helaa filim sameeye sheekadaas diyaariyo waayo filim sameeyayaasha Bollywood-ka inta badan waxay diyaariyaan sheeko atoore da’ahaan ka weyn atirisho jaceyl la matali karo marka maxaa diidayo in atirisho atoore ay ka weyn tahay shaashada jaceyl kula matasho waa wax caadi ah laakiin fankeena kuma badno.”

Dhinaca kale Madhuri Dixit waxay u xiistay filim jilista iyo tiyaatarada in dib loo furo waxayna jeclaan lahaan in si deg deg ah xaalada caadi ugu soo laabato madaama shaqooyin badan iyo nolol badan xayiran yihiin waxayna sheegtay in waligeed marxaladan oo kale aysan arkin in mudo ah guryaha lagu jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here