Mohnish bahl wuxuu kamid yahay jilaayashaa samayn karo door walbo sidoo kale wijiyo kala duwan ayaan filimaantiisa lagu arkay mar inuu daacad noqdo iyo mar inuu noqdo laadir aan naxin soomaalidana badanaa waxay u taqaana (Sandaag).
Mohnish wuxuu dhashay bishii February 14, 1961 waan 58-jir waa jilaa ka mid ah kuwa ugu caansan bollywood-ka sidoo kale wuxuu sameyn jiray musal salada tv-ga laga daawado.
Xidigaan waxui caan ku ahaa aflaamta 90-maadkii uu sameeyn jiray inuu atiriishooyinka dhibo aflaamtiisa badankooda 90-kii door xumaan ayuu ku jili jiray iyo mid kufsanaayo atiriishooyinka. Madhuri Dixit, Karisma Kapoor, Divya Bharti, Raveena Tandon iyo kuwa kale oo badan ayuu nafta u keeni jiray doorarkaas ayuuna caan ku ahaa iyo atooraha inuu aad u dhibo.
Mohnish waa dhal aktar waxaana dhashay aktarada laga danbeyn jiray ee 5-marna ku guuleysatay filmfire Awards For Best Actress Nutan aabahiisa waxaa lagu magacaaba Rajnish Bahl waxayna ka mid yihiin qoyska Mukherjee Samarth oo ka Tirsan kajol, Rani, Tanishaa, Iyo Resham waana qoys awood ku leh Bollywood-ka.

Xidigaan ah kan kaliga ah ee ay dhashay atariishada Nutan waxayna geeriyooday bilaawga aflaanta wiilkeeda ee sagaashamaadkii.
Mohnish oo ay hooyadiisa aheyd atariisho weyn dhub kala uusan kulmin waxa uuna ka soo kasoo bilaabay jiliinka inuu filimaanta hogaamiye ka noqdo wuxuuna hogaamiye ka noqday filimaanta Dancer, Bekaraar, Teri Bahon Mein, Meri adalat, Purana Mandir iyo Itihaas waxaa ka guuleystay oo kaliya filimka Purana Mandir.
Ka dib wuxuu si weyn ugu soo caan baxay markuu bilaabay wijiga xaraarnimada nimada ama doorka laadir ka ayuu noqday mid guulo waa wayn gaara, Filimka Main pyaar kiya 1989 ee Salman khan iyo Bhagyashree hogaamiyaha ka ahaayeen filimkaas ayaan noqday ATBB wuxuuna badbaadi mustaqbalka Mohnish ka dib wuxuu noqday laadir weyn oo aad loo baadi goobo.
Ka dib wuxuu kasoo muuqday filimaan badan oo ka mid filimka Deewana 1992 ee SRK kusoo caan baxay Ka dib wuxuu mar kale kasoo muuqday filimaanta Sooraj Barjatya ee Hum Apke Hain Koun… Iyo Hum Saath Saath hain: We Stand united.
Xidigaan ayaa noqday jilaaa aad loo baadi goobo maadaama wijigiisa laadirnimada aad looga helay wuxuuna kasoo muuqday ku dhawaad 90-filim sidoo kale wuxuu sameeyay 14 musal musal oo Tv-yada laga daawado.
xidigaan ayaa ku guulaystay Abaalmarino fara badan, waxa uuna diiwaanka ku ritay ugu yaraan 6 abaal marin oo caalami ah.
1995: Nominated, Filmfare Best Supporting Actor Award for Hum Aapke Hain Koun..!
2000: Nominated, Filmfare Best Supporting Actor Award for Hum Saath-Saath Hain: We Stand United
2002: Won Best Actor Indian Television Academy for Sanjivani – A Medical Boon on Star Plus
2002: won Indian Telly Award for Best Actor in a Negative Role for Devi on Sony Entertainment Television
2003: won Best Actor Indian Television Academy for Sanjivani – A Medical Boon on Star Plus
2006: Best Actor Negative in Ek Ladki Anjani Si on Sony Entertainment Television
ugu danbayn Mohnish wuxuu 1992 guursaday atariishada Ekta sohini oo ka soo muuqatay filimaanta Saajan Tahalka iyo Vaastav waxayna u heysaa 2-gabbar oo lagu magacaabo Pranutan bhal iyo Krishaa bahl.