Maqaalkii aad wada sugeyseen ugu dambeyn asoo kuleel ah waakan ku raaxeyso akhrintiisa next waa Ajay Devgn:

Sababta loogu bixiyay “ubaxii qalalay oo aan dib loo qoyi doonin dhamaad 90-maadkii:

1-Filimo sheeko xun Action ahaana tayo lahen ayuu sameyn jiray qeybihii dambe 90-maadkii marka laga reebo xirfadiisa Karate Filimadiisa dagaal inta badan nuxur sheeko malaheen doorkiisa lama tayeen jirin.

2-waxaa xaqireen shirkadihii waaweynaa iyo Filimsameyaashii awooda lahaayen kuwaaso seddexda Khans kaliya doorteen inta badan.

3-Filimada Akshay ee 90-maadkii badankood waxay ahaayen u daawo heesaha macaan iyo feerka Kumar ee xirfad ahaan lahaa taasi ayaana sababtay in shacbiyad kufilan heli waayo gudaha India ah.

Goormuu Akshay Kumar noqday atoore isbar qabto macaanka guushana dhadhamiya:

Bilawgii qarnigaan ayuu si toos usal dhigtay wuuna isku tashtay horta waxuu joojiyay Filimada dagaalka maadama laga faaideysan waayey xirfadiisa Karate Action-kiisana la tayeen waayey waxuu u bedeshtay shactirada iyo jaceylka inuu tijaabiyo.

Kumar guul weyn ayuu ka gaaray isbedelkiisa waliba waxaa loo caleemo saaray boqorka shactirada Govinda kadib si deg deg ayuuna shacbiyad waali ku helay 2005 kadibna Superstar dhameestiran ayuu noqday ugu dambeyna noqday atoorihii ugu mushaarka badnaa India 2008.

Sirta ka dambeysa in loo bixiyo Hit-machine: Akki xeelad cusub ayuu bilaaway markuu arkay in shirkadihii waaweyna iyo Filimsameyaashii awooda lahaayen xaqireen wax Filim ahna u sameyn waayen maadama Khans lagu waashtay nin isku tashtay ayuu noqday. Si uusan qasaaro ula kulmin Filim sameyaal yaryar ayuu la shaqeynaayey Filimadiisana miisaniyad yar ayaa lagu sameynaa isagoo dooranaayo fariin xasaasi ah si Filimka guul weyn u gaaro daqli fiicana looga helo.

Akki caqligan cusub wuu ku meelmaray heer weyn ayuuna ku gaaray tusaale Salman sanadkii hal Blockbuster macaash weyn laga helaayo haduu sameeyo iyo Akki labo Filim ama seddex Filim Hit ah isku mid ayee noqon jireen daqliga waa isku mid kaliya miisaaniyada ayaa ka dheeraa. Akshay Hits ayuu daba taxay ilaa uu ka noqday Machine-ka soosaaro Hits oo magacaas ayee ula baxeen waxuuna ku meelmaray xeeladii uu keensaday.

Biladaha uu ku guuleystay waa 47-abaal marin oo ay kujirto biladii sharafta badnee ee National Filim Award laguna siiyay bandhigiisa Filimka Rustom.

Filimadiisa waxaa ugu sheeko fiicna Hera Pheri qiimeynta IMDB-Rating Filimkaan waxay siiyeen 8.2/10 xidigaha Filimka lagu qiimeyo waana midka ugu xidig badan aflaamtiisa dhanka qaab-jiliikana Rustom ayaa ah midkiisa ugu qaab-jiliinka wanaagsan ama bandhiga ugu weyn uu kusoo bandhigay.

Iskoorada Akshay Kumar ee lama ilaawaanka ah:

1-Waa Atooraha ugu guulaha badan 30-sano u dambeysay taariikh ahaana atoorayaal yar yar ayaa sameyeen in kabadan 50-Filim guulesteen sida Dharam, Amitabh, Mithun, Jeetendra iyo Akshay.

2-Waa atooraha ugu Hit-ka badan 30-sano lasoo dhaafay waxuuna sameeyay 32-Filim Hit dhameestiran ah taariikh ahaan Hit waxuu la tartamaa Big B, Dharam, Mithun, Jeetendra (Faaris) iyo raggii hore.

3-Magaca Akshay Kumar qiimo ahaan waqtigaan la joogo waxuu ku fadhiya kudhowaad $98 Million dollar waa marka la qiimeyo sumcada magaciisa shaqeystay (Brand Value) sidaa aawged waxuu xaq u leeyahay magaciisa dadka ku qaraabto inuu xabsi dhigo ileen magac qiimahaas joogo si Free ah ayaan u isticmaalnaa.

4-sanadkii hore (2019) waxuu noqday ilaa hadana yahay atooraha 4-aad caalamka daqliga ugu badan kasbaday waxaana so galay daqli dhan 500 Crore ($65 Million) waxayna kasoo kala galeen 4-Filim Big Hits ah oo uu la yimid, xayeysiimaha uu sameeyay sanadkaas iyo labadiisa shirkad Filimade maalgaliyeen daqliga laga helay wadar ahaan seddexdaas meel ayuuna ka shabsaday 2019.

5-Waa atooraha kaliya taariikh ahaan hindiya soo maray ee halistii ugu weyned nafsadiisa galiyay intuu Filim duubaayey waxaana kamid Filimada ficilada halista ah uu kusoo bandhigay International Khiladi, Khiladi 420, Sooryavanshi iyo kuwa kale.

6-Iskoor waxuu heestaa inuu lasoo shaqeeyay atiriishooyinkii ugu caansanaayeen ee jiilkiisa ahaayen badankooda iyo kuwii ka dambeyeenba marka laga reebo Rani Mukerji waxuu ahaa atoore atiriisho walba jeceshahay inee Filim la sameyso lkn Filimsameye walba ma jecleen.

7-Waa mid kamid ah atoorayaasha loogu magac daro “Versatile Actor” oo ah atoore door walba sameeyn kara qaab-jiliin ahaana kaga bixi karo sidii loo baahnaa hadana guuk gaarsiin karo fariintaas iyo doorkaas.

Caqabadaha Akshay Kumar ilaa hada uu meel marin la’yahay:

Waxuu ku dhiban yahay xidigaan inuu sameeyo Filim miisaaniyad waali ah xambaarsan sida Khans-ka oo kale midaasna hader ayuu ku guuleysan rabaa oo Filimadii udambeyeen sida Houseful 4 iyo Good Newwz miisaaniyad sare ayee ku fadhiyen halka kuwa udiyaarsan sida Sooryavanshi filimo qaali yihiin.

Waxuu ku dhibanyahay sameeynta Filim Blockbuster ah ilaa hada labo Blockbuster ayuu heysta oo kala ah Mohra iyo Rowdy Rathore labadoodana libinta ay Blockbuster ku noqdeen isaga malahan.

Guushs uu heysto waqtigaan Dadkii shalay xaqireen ayaa maanta usoo ordayaan shirkadihii waaweyna ayaana soo dalbanayaan sida Yash Raj Filimsa iyo Dharma Productions.

Sooryavanshi waxaa iska leh Karan Johar oo maalgalinaayo waxaana Director ka ah Rohit Shetty oo ah midka ugu awooda badan agaasimayaasha bal qiyaas Filimkaan maxuu natiijo ahaan noqon karaa hubaal ahaan Akshay guusha usoo socoto ayaa ka weyn mida uu kasoo gudbay haduusan bedelin wadaduu ku taaganyahay.

Maqaamkiisa xidignimo: Waa Superstar awood badan waliba kaalinta labaad ayuu Kaga jiraa dhanka Star Power-ka waxuuna loolan ugu jiraa inuu kaalinta kowaad Salman Khan kala wareego.

1 COMMENT

  1. Sxp khans habuun buunin filim lacago badan uu keeno lagamu xisaabtamo waayo taas waxee kuxeran thy filinka ticket lacagha lagu daawado in lakordhiyo ama hoos loo dhigo marka read and learn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here