Jacqueline Fernandez ayaa shaacisay war xiiso leh oo ku aadan shirkadda Bollywoodka taasi oo xaalad la yaab leh ku noqotay taageera yaasheeda.

Jacqueline ayaa dhawaan ka qayb gashay guddi la yiraahdo Women Up halkaas oo martidu kahadlaan wax ku saabsan arrimaha bulshada. Intii lagu gudajiray barnaamijka Jacqueline waxay kahadashay dareenkeeda iyo wax yaabaha ee kala kulanta Bollywoodka.

Jacqueline ayaa madashaas ka qiratay inay dareento la yaab markee soo xasuusato erayadi lagu yiri markee ku soo biireesay shirkada:

Wexee tiri: ” Waxa igu la yaabka badnaa ayaa ahaa markii aan imid halkaan, kuwo ayaa igu yiraahdeen, magacaaga waa inaad beddeshaa kuna badashaa magaca Muskaan. waxaas oo dhan ma daruuri baa?

“Runtii waan ku qoslay Waxaan u sheegay sababta aan u badalaayo magaceega wexee igu yiraahdeen Jacqueline Fernandez waa magac reer galbeed. Markee ogaadee inaanan magaceyga beddeleynin wexee igu yiraahdeen bal waayehee samee waxaa doonto. Dadku waxay igu ora jireen gabadhaan ma’ahan Hindi sababtoo ah ma wadato magaca Hindi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here