Shalay oo kale 19 October sanadkii 1956 waxaa dhashtay Mega Superstar Sunny Deol taasi waxay ka dhigantahay inuu jirsaday 63 sano cimri ah waa atoore, qarash gareeye iyo Filimsameye.

Xidigaan aan awoodiisa iyo magaciisa la buun buunin waxuu kamid yahay 8 atoore ee gaareen darajada Mega Superstar waana maqaam u gaar ah oo uu kaga sareeyo atoorayaal badan oo isku jiil ay ahaayen. Hadaba shalay ayee ahed inaan idiins oo gudbino macluumaad u gaar ah jilaagan balse maanta kaga bogo hoos xaqiiqooyin xiiso leh oo u gaar ah curadka Dharmendra.

Xaqiiqada 1-aad: Magaciisa dhabta ah waa Ajay Singh Deol waxaana xusid mudan in qoyska markuu guriga joogo ugu yeeraan magaca Ajay balse fanka hindiya markuu soo galaayey ayuu la baxay Sunny Deol waana magaciisa shaashada waxuuna aaminay in magacaan nasiib ku leeyahay.

Xaqiiqada 2-aad: Waa curadka halyee Dharmednra oo asna ah Mega Superstar kale waxaana Sunny ka yar 5 walaalo oo kala ah Bobby Deol, Vijayata Deol, Ajeeta Deol, Esha Deol iyo Ahaana Deol waa 2 wiil iyo 4 gabdho waxaana bah gooni ah Esha iyo Ahana oo Hema Malini dhashay.

Xaqiiqada 3-aad: Waxuu guursaday gabar lagu magacaabo Pooja 2 wiil ayeena u heysaa.

Xaqiiqada 4-aad: Sunny Deol mareykan ayuu kusoo bartay qaab jiliinka kahor inta uusan Bollywoodka soo galin mudo kooban ayuuna halkaa ku baranaayey sida shaashada horteeda jiliin loogu sameeyo.

Xaqiiqada 5-aad: Hadii Kaamerada horteeda uu ku yahay atoore qeylo badan, xanaaq badan sido kalena ad-adag nolosha dhabta ah waa nin iska maskiin ah oo aan hadal badneyd sido kalena xishood badan waana nin qalbi jilcan oo qiiro badan saxaafada xitaa inee wareystaan inta badan wuu ka xishooda goobaha bulshadana ma yimaado sida xafladaha.

Xaqiiqada 6-aad: Waxuu ku guuleystay 2 jeer abaal marinta ugu qaalisan dalka india ee jilaa la siiyo National Filim Award Filimada Ghayal (1990) iyo Damini (1993) ayuu ku qaatay.

Discussion,sunny deol,sunny deol birthday

Xaqiiqada 7-aad: Sunny Deol iskooro badan ayaa u diiwaan gashan oo atoorayaal badan uu dheer yahay waxuu sameeyay Filimka Bollywoodka ugu weyn qarnigaan cusub ee lagu magacaabo Gadar: Ek Prem Katha waana filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay dhanka Bollywoodka tan iyo maanta walina lama arag Filim Bollywood ah oo jabiya iskoorkaas, 500 Crore kudhowaad waaye lacagaha Gadar ee 2001 uu keenay hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo.

Xaqiiqada 8-aad: Oraahdiisa ugu caansan dhanka aflaamta waa mida kujirta Filimka Damini (1993) ee uu qareenka ama abuukaataha ku jilaayo oraahda ah,” Tareekh Par Taareekh, Taareekh Par Tareekh” ilaa maanta lama ilaawo hinduuga markee maqlaan hadalkaas wey qiiroodaan.

Xaqiiqada 9-aad: Maka laga soo tago inuu yahay atoore waxuu kaloo yaqaan xirfado kale sida inuu yahay Filimsameye (Director) seddex Filim ayuuna sameeyay ilaa hada oo kala ah Dillagi (1999), Ghayal Once Again (2016) iyo Pal Pal Dilke Paas (2019).

Xaqiiqada 10-aad: Taageerayaashiisa ugu badan gobolka Punjab ayee ku nool yihiin waxaana xusid mudan bilawgii qarnigaan intii u dhaxeysay 2001-2003 subax walbo 6:00 am lava daawan jiray shineemooyinka Punjab Filimka Gadar ww Sunny hogaamiyaha ka yahay jaceyl loo qabo xidigaan Filimkiisa aawged waana wax cajiib ah in subax walbo hal filkm kumanaan dad ah saf usoo gali jireen.

Star Power-kii Sunny Deol heerkii ugu sareysay ayuu gaaray 90-maadkii waxuuna ahaa atoorihii ugu awooda badnaa xiligaas ilaa bilawgii qarnigaan waa laga yaabay xitaa SRK oo hogaanka iska heesto Sunny Deol kuma deg degi jirin oo waa laga saameeyn badnaa Khan in badan.

Dhamaad.

Lasoco maqaalka xiga awooda Sunny Deol iyo marka uu Shah Rukh Khan cagta mariyay loona sheegay inuu cunug yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here