Taariikh weyn ayaa todobaadkan fanka Telugu ama Tollywood laga diiwaan galiyay kadib markii Suldaan Mahesh Babu filimkii tiyaatarka Blockbuster-ka ka noqday Sarileru Neekevvaru lagu soo fasaxay Satellite-ka waxaana laga daawaday TV-ga Af Telugu lagu daawado ee gudaha Hindiya caan ka ah Star Maa.

Haddaba filimka Sarileru Neekevvaru wuxuu la yimid bilaabasho taariikhi ah dhanka qiimeynta TV-yada aflaanta laga daawado wuxuuna fagta kowaad la yimid qiimeyn ah 23.4TVR waa qiimeynta ugu sareesay ee filim Telugu ah fagta kowaad helo 15-ka sano ugu dambeesay ee la bilaabay in la qiimeeyo nidaamka aflaanta TV-yada looga soo dhaweeyo.

Filimka Sarileru Neekevvaru wuxuu cagta mariyay iskoorkii filimka Bahubali 2 u yiilay oo fagta kowaad qaybta Af Telugu lagu daawaday helay TRP ah 22.7 waxay ka dhigan tahay Suldaan Mahesh Babu inuu fursad qaali ah madaama shacab weynaha Hindiya guryaha joogaan filimkiisa bilaabashadan taariikhiga ah inuu dhanka TV-yada ka sameeyo waxaa loo nisbeen karaa xaalada Hindiya haatan ka jirto.

Dhinaca kale atooraha caanka ah Sai Dharam Tej isagana filimkiisa Prati Roju Pandaage dhanka TV-yada siweyn ayaa loogu soo dhaweeyay wuxuuna la imaaday bilaabaso lagu qiimeeyay 15.3TVR waa filimka ugu bilaabashada wanaagsan dhanka TV-yada ee xidigan hogaamiye ka yahay.

Fadlan hoos kaga bogo taariikh ahaan 10-ka filim ee Tollywood sameeyeen kuwooda TV-yada Blockbuster weyn ka noqdeen sidoo kalena qoysaska si waali ah usoo dhaweeyeen ayagoo heleen qiimeynta ugu sareesay ee hal beega filimada lagu cabiro marka Satellite-ka lagu soo fasaxo:

1. Sarileru Neekevvaru- 23.4 TVR

2. Baahubali 2 & Magadheera – 22.7 TVR

3. DJ -21.7 TVR

4. Baahubali – 21.54 TVR

5. Fidaa- 21.31 TVR

6. Srimanthudu – 21.24 TVR

7. Geetha Govindam- 20.8 TVR

8. Mahanati- 20.21 TVR

9. Janatha Garage-20.69 TVR

10. Rangasthalam- 19.5 TVR

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here