Suldaan Mahesh Babu wuxuu ku jiraa waqti dahabi ah sidoo kalena wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu awooda badan Koonfur Hindiya gaar ahaan fanka Telugu ama Tollywood waxaa intaas u dheer taageerayaal badan daafaha caalamka inuu ku leeyahay sidoo kalena xili walbo lagu hamiyo inuu Bollywood-ka kusoo biiro balse waqti uma haayo inuu Mumbai ka hawl galo.

Haddaba Mahesh Babu iyo qoyskiisa ayaa markii ugu horeesay shaqo wada qabteen sidoo kalena shaashada kasoo wada muuqan doonaan ma ahan filim balse xayeysiin Video ama muuqaal ah ayay isla duubeen Mahesh, xaaskiisa Namrata Shirodkar oo horey atirisho u ahaan jirtay, wiilkiisa Gautam iyo gabadhiisa Sitara waana arin siweyn loo hadal haayo reer Mahesh inay shaashada soo wada galeen.

Director Yamuna Kishore oo saaxiib dhow la ah Mahesh Babu ayaa fikradan la wadaagay in isaga iyo qoyskiisa hal xayeysiin wada sameeyaan weyna ka aqbaleen gaar ahaan marka Mahesh caruurtiisa ka heleen fariinta la wada duubayo oo ay u arkeen wax xiiso badan.

Dhinaca kale Namrata ayaa sheegtay inay 14-sano kadib ku faraxsan tahay kaamirada soo hor istaagto waxayna sheegtay inay filim jilista Mahesh Babu dartiis isaga dhaaftay kuna faraxsan tahay nolosha ay seygeeda iyo caruurteeda la qaadaneyso sidoo kalena aysan u xiisin inay filim jisho madaama ay tahay hooyo iyo marwo reerkeeda xili walbo ka warqabto.

Mahesh iyo Namrata ayaa jaceyl isku qaadeen sanadii 2000 xili ay filimkii Vamsi wada duubayen wixii markaas ka dambeeyay waxay go’aan ku gaareen inay nolosha wadaagaan ayadoo sanadii 2005 si rasmi ah lamaanahan isku guursadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here