Suldaan Mahesh Babu ayaa maalinta berito ah u dabaal dagi doono sanad guuradiisa 45-aad wuxuuna taageerayaashiisa u diray fariin muhiim ah xili sanad walbo 9 August taageerayaashiisa Superstar-kan dhalashadiisa siweyn baraha bulshada iyo isku imaatin caadi ahba ugu xusaan.

Mahesh Babu sanadkan wuxuu ka rabaa taageerayaashiisa inaysan isku imaanin madaama saameynta Karoona Virus ee gudaha Hindiya weli siweyn u jirto wuxuuna Suldaanka yiri “Si naxariis iyo wanaag ku dheehan waxaan taageerayaasheyda kaga codsanayaa inaysan isku soo bixin oo aysan hal meel isugu imaanin. Waxay ii tahay farxad iyo duco inaan heesto dad aad ii jecel anigana dhibkiina ma jecli fadlan guryaha jooga oo baraha bulshada aan ku wada dabaal dagno waan hubaa inaan idiin xiisay aadna waan idiin jeclahay. Fadlan taxadar badan sameeya oo yaan guryaha laga soo bixin ma rabo aniga darteey in dad badan xanuunka Karoona ugu dhaco, waxaa ii muhiim ah caafimad qabkiina fadlan guryaha jooga.”

Dhinaca shaqada Mahesh Babu wuxuu qorsheenaa bisha September ee nagu soo fool leh inuu duubis ku bilaabo filimkiisa xiga Sarkaru Vaari Paata waxaana Director ka ah Parasuram wuxuuna sidoo kale ka mid yahay Mahesh soo saarayaasha mashruucan ayadoo atirisho kowaad ka tahay Keerthy Suresh halka Ananya Pandey la doonayo in atirisho labaad noqoto sidoo kalena Kichcha Sudeep filimkan laadar awood looga dhigo haddii ay wax walbo sida loo qorsheenayo u dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here