Fanka Koonfur Hindiya waxay ku caan baxeen inay is garab taagaan atoorayaasha awooda badan marka mid filim usoo baxaayo la garab siiyo xafladaha lagala qeyb galo lala xayeysiiyo sidoo kalena tiyaatarada loo baneeyo ugu yaraan mudo labo todobaad ah balse dhaqankaas haatan waxaa badalayaan Mahesh Babu iyo Allu Arjun oo xili hore dagaal culus baraha bulshada ka bilaabeen.

Waxaa la islahaa midbaa tanaasuli doono feestad Sankranthi oo ku beegan horaanta todobaadka labaad Janaayo 2020 balse haatan si rasmi ah ayay labadan xidig shaaca kaga qaadeen in labadooda filimk hal maalin 12 Jan 2020 tiyaatarada la wada saari doono xitaa maalmo lama kala durjin aflaantan Telugu ama Tollywood laga leeyahay.

Stylish Star Allu Arjun wuxuu ku dhawaaqay in filimkiisa Ala Vaikunthapurramuloo la daawan doono 12 Jan 2020 sidoo kalena aysan jirin sabab filimkiisa dib loogu dhigo madaama sanadkan 2019 wax filim ah tiyaatarada loo saarin taageerayaashiisana siweyn u sugayaan.

Waxaa la islahaa Suldaan Mahesh Babu ayaa filimkiisa dib u dhigi doono laakiin isagana wuxuu ku dhawaaqay durba in mashruuciisa Sarileru Neekevvaru isla 12 Jan 2020 la daawan doono oo aan xitaa maalmo dib loo dhigi doonin waxayna ka dhigan tahay in Mahesh iyo Allu Arjun kala xishoonin diyaarna u yihiin sanadka cusub 2020 isku dhacii ugu weynaa ebid Tollywood la diiwaan galiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here