Inaba caadi ma ahan aqristayaasha qiimaha badan aflaanta Koonfur Hindiya wacdaro waali ah ayay USA Boxoffice ka sameenayaan si gaar ah filimada Darbar iyo Sarileru Neekevvaru kuwaas oo si xawaare ku dheehan darajada $1m gudaha USA Boxoffice kaga soo xareeyeen sidoo kalena ganacsigooda hubanti ahaan meel sare gaari doono.

Haddaba awooda USA Boxoffice waxaa isku heestaan labada Superstar Mahesh Babu iyo Rajinikanth madaama mid walbo midka kale iskoorka darajada $1m kala wareegayo waxaana xusid mudan in Rajini filimkiisa Darbar darajadan ku hormaray kadibna Mahesh filimkiisa isagana darajadan soo dul istaagay.

Rajinikanth haatan wuxuu heestaa 9-filim oo darajada $1m USA Boxoffice iyo ka badan kasoo xareeyeen wuxuuna bar bareeyay Mahesh Babu balse suldaanka markii filimkiisa cusub Sarileru Neekevvaru masraxa lasoo saaray 48-saacadood gudaheeda ayuu iskoorkiisa kusoo ceshtay haatana Mahesh 10-filim ayaa darajada $1m u gaareen gudaha Mareekanka.

Fadlan hoos kaga bogo atoorayaasha Koonfur Hindiya kuwooda sameeyeen aflaanta $1m USA Boxoffice iyo ka badan kasoo xareeyeen hogaanka waxaa u haayo Suldaan Mahesh Babu:

Mahesh Babu – 10-filim

Rajinikanth – 9-filim

Jr. NTR & Nani – 6-filim

Pawan Kalyan – 5-filim

Vijay – 4-filim

Prabhas, Allu Arjun, Vijay Deverakonda & Varun Tej – 3-filim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here