Maadama dalka India oodhan bandow kajiro dadkana guryahooda kujiraan bahda Tv-yada ayaa iskudayayaan inee dadka ku madadaaliyaan Filimadii hore, musalsaladii hore, iyo wareysiyadii hore dhanka fanka hindiya waxaana bilaawatay dib u milicso barnaamijyo ah maadama warae Update ah ama Filimo cusub jirin.

Kanaalka Star World ayaa ballan qaaday in 9:00 am subaxnimo ilaa 9:00 pm habeenkii fiidnimo uu soo deyn doono maalin walba dhamaan xalqadaha barnaamijka xiisaha badan ee Koffe With Karan si dadka ugu madadaalaan dibna ugu daawadaan xalqadahan.

Hadaba 5-qodob oo koo kooban ayaa kasoo qaadaneen misane ah 5 xalqo kala duwan oo xidigo kala duwan Karan Johar wareysi ka qaaday 5-maqaal ayaa ka kala dhigeena anagoo maqaal walba qodob ku xuseyno hadaba qodobka 3-aad hoos kaga bogo:

Qodobka 3-aad Koffe With Karan:

Filimsameyaha caanka ah Mahesh Bhatt oo ah Alia Bhatt aabahed ayaa hada kahor isagoo ka qeyb galaayey barnaamijka Koffe With Karan sheegay in Kajol atiriisho war badan tahay waxaana arinkaa ka dambeyay Karan Johar oo wareysiga ka qaadayey.

Karan ayaa Mahesh suaalay atiriishada ugu warka badan Bollywoodka isaga ahaan fikirkiisa waxuuna Mahesh durba magacaabay,”Kajol” waxuuna intaa ku daray inuu waligiis iska ilaalin jiray la shaqeynteda.

Dhanka kale Emran Hashmi oo isagana barnaamijka ka qeyb galaayey misane la socday Mahesh ayaa la weydiiyay atiriishooyinka uu shumiska shaashada kula wadaagay midii ugu shumiska xumeyd ee uu dhibka kamaray waxuuna magacaabay atiriishada Malika sherwat ee Filimka Murder la sameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here