Mahima Chaudhry oo sheegtay la shaqeynta SRK iney cabsi galisay oo naxdin la gariirtay

0
914

Atariishada Bollywoodka Mahima Chaudhry taasoo kusoo caan baxday filimkeedii ugu horeeyayna uu ahaa Pardes, kaasoo ay isla keeneen boqorka Bollywoodka ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaayo siisay shabakada Bollywood Hungama ayadoona su’aalo badan laweydiiyay.

Mid kamid ah su’aalihii ugu xiisaha badnaa ayaa aheyd; Sidee ayuu ahaa la shaqeynta Shahrukh Khan?

Mahima oo su’aashaas ka jawaabeysay ayaa tiri; Waxay aheyd arin cabsi igu beertay markasta oo uu goobta duubista yimaadana cabsi ayaan la jareyn jiray xitaa waxaan iloobi jiray sadaradeyda la iga rabay inaan dhaho, waayo SRK waqtigaas wuxuu ahaa jilaa weyn sidoo kalana sanad kasta ku guuleysan jiray abaal marinta atooraha ugu fiican”.

Muhima ayaa sidoo kale sheegtay in SRK kaliya aheyn jilaaga weyn ee meesha joogay sidoo kalana Amrish Puri oo asigana filimka qeyb ka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here