Maka qayb gali laheyd arooska saaxiibkaa ama saaxiibadaadii hore?

Waxaan idiin heynaa qaar ka mid ah jilaayaasha Bollywood-ka ee ka qayb galeen arooska jaceylkiisii ama jaceylkeedii hore oo ay kala hareen.

Inta badan wey adag tahay qof aad nolosha isku fahmi waaseen in farxadeeda aad ka qayb gashid ama aad muujisid dulqaad ah goob aad wax dareemeysid inaad ku sugnaatid.

Laakiin qaar ka mid ah jilaayaasha Bollywood-ka waxay qaadeen talaabo lala yaabay ayagoo ka qayb galeen arooska saaxiibkood ama saaxiibadooda hore:

Ranbir Kapoor: xidigaan laga daba dhacay markii uu fanka Bollywood-ka kusoo biirayay waxay xiriir jaceyl isla meel dhigeen atirishada Sonam Kapoor balse markii uu xidig caan ah noqday wuxuu ka raacay Deepika Padukone.

Ranbir ayaa dhawaan ka qayb galay arooska Sonam Kapoor oo la aqal gashay Anand Ahuja sidoo kalena wuxuu arooska la yimid asigoo gacanta heesto atirishada Alia Bhatt oo haatan lagu xamanaayo inay isla bilaabeen xiriir jaceyl oo ugub ah laakiin aan rasmi noqon weli.

Ranbir Kapoor: waa xidiga loogu jecel yahay Bollywood-ka asigoo door walbo sameyn karo sidoo kalena noloshiisa gaarka ah waa mid hadal heyn joogto ah xambaarsan.

RK wuxuu ka qayb galay arooska Anushka Sharma iyo Virat Kohli xili xidigaan lagu xaman jiray inuu xiriir qarsoodi ah la yeeshay Anushka markii ay filimka Bombay Velvet wada sameeyeen.

Dino Moreo: Atoorahan bilawgii qarnigaan fanka Hindiya soo galay waxay aad isku fahmeen sanado wacana wada qaateen Bipasha Basu, laakiin Bipasha markii dambe John Abraham ayay ka raacday.

Mudo dheer kadib Dino wuxuu ka qayb galay arooska jaceylkiisii hore Bipasha Basu oo la aqal gashay jilaaga TV-yada iyo Bollywood-ka ka hawl galo Karan Singh Grover.

Neha Dhupia: xidigtaan waxay saaxiib la ahayd cayaaryahanka Cricket-ka looga haray Yuvraj Singh laakiin wuxuu ka raacay gabadha Model-ka looga haray Hazel Keech waxaana la yaab ahayd in Neha Dhupia arooskooda ka qayb gashay weliba ayadoo muuqaal ahaan faraxsan.

Neha Dhupia dhawaan ayay cidlada ka baxday waxayna guursatay jilaaga Bollywood-ka ka tirsan Angad Bedi oo ay in mudo ah jaceyl wada jilayeen weliba arooskooda wuxuu ahaa mid buuq la’aan ah oo aan dad badan lagu casuumin.

Dipannita Sharma: atirishadan dhanka Model-ka caan ku ah waxay in mudo ah saaxiibo ahaayeen atooraha lagu magacaabo Milind Suman balse si la yaab leh dhawaan Dipannita Sharma waxay kaga qayb gashay arooska Milind Suman oo guursaday gabadha diyaaradaha ka shaqeyso Ankita Konwar.