Maku daashay wararka naxdinta leh ee Corona Virus? Hadaba waxaan idiin heynaa 12daan war ee farxada leh. Qeybtii 2aad.

0
852

Waxaa is xig xiga wararka naxdinta leh kuwaasoo maalin maalinta ka danbeyso sii kordhaayo misna la xiriira Viruska aduunkaa dhan saameeyay ee Corona Virus kaasoo uu sababo Covid19 aduunka dhana saameeyay. Waxaa macquul ah in qof walba siduu wararkaas naxdinta leh u maqlaayay uu niyad jab ka qaado iyo walbahaar joogto ah khaasatan dadka uu wadamada ay joogaan sida ba’an ugu faafay.

Sidaas owgeed waxaan idiin heynaa warar farxad leh misna bishaaro leh kuwaasoo niyada kuu dhisayaan.

Balse kahor intaanan warbixintaan iyo akhbaartaan wanaagsan bilaabin waxaan dooneynaa inaan kuu xaqiijino in maqaalkaan uusan aheyn mid hoos loogu dhigaayo halista cudurka Corona Virus ama uusan aheyn mid aan kuugula talineyno in aad cudurkaan yareysato isla markaasna is dhigato adigoona iska indho tiraayo talooyinka hey’adaha caafimaadka aduunka ee kahor taga iyo ka fogaanta asbaabaha aad cudurkaan ku qaadi karto balse ujeedka uu yahay inaan kaliya akhbaartaas farxada leh kula wadaagno

AKHBAARTA SHANAAD;

Culimada waxay ogaadeen qaabka uu u dhex galo Viruskaan una dhibaateeyo unugyada jirka insaanka waana arin siweyn uga caawin doonto haatan iney hormariyaan daawooyinka cudurkaan.

AKHBAARTA LIXAAD;

Dowladaha aduunka ayaa haatan ku loolamayo sidii ay kusoo saari lahaayeen talaalka Viruskaan ayadoo uuna xoghayaha guud ee WHO arbacadii sheegay iney socoto tijaabo ay wadaan midowga tiro dowlado ah taasoo la xiriirta iney taxliil ku sameeyaan daawooyin aan horay loo tijaabinin si loo boobsiiyo daaweynta iyo daawooyinka Viruska Corona.

AKBRAATA TODOBAAD;

Baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday iney suurto gal tahay in walxaha uu saameynta ku yeelan karin Viruskaan jirkooda laga sameyn karo daawo lagu daaweyn karo dadka cudurkaan ku dhacay.

AKHBAARTA SIDEEDAAD;

Baarayaal u dhashay wadanka Australia ayaa sheegay iney kudhawyihiin soo saarista daawo la dagaasho Viruskaan kadib markii ay xadideen habka ay unugyada difaaca jirka ula dagaalamaan Viruskaan.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here