Maku daashay wararka naxdinta leh ee Corona Virus? Hadaba waxaan idiin heynaa 12daan war ee farxada leh. Qeybtii 3aad.

0
1261

Waxaa is xig xiga wararka naxdinta leh kuwaasoo maalin maalinta ka danbeyso sii kordhaayo misna la xiriira Viruska aduunkaa dhan saameeyay ee Corona Virus kaasoo uu sababo Covid19 aduunka dhana saameeyay. Waxaa macquul ah in qof walba siduu wararkaas naxdinta leh u maqlaayay uu niyad jab ka qaado iyo walbahaar joogto ah khaasatan dadka uu wadamada ay joogaan sida ba’an ugu faafay.

Sidaas owgeed waxaan idiin heynaa warar farxad leh misna bishaaro leh kuwaasoo niyada kuu dhisayaan.

Balse kahor intaanan warbixintaan iyo akhbaartaan wanaagsan bilaabin waxaan dooneynaa inaan kuu xaqiijino in maqaalkaan uusan aheyn mid hoos loogu dhigaayo halista cudurka Corona Virus ama uusan aheyn mid aan kuugula talineyno in aad cudurkaan yareysato isla markaasna is dhigato adigoona iska indho tiraayo talooyinka hey’adaha caafimaadka aduunka ee kahor taga iyo ka fogaanta asbaabaha aad cudurkaan ku qaadi karto balse ujeedka uu yahay inaan kaliya akhbaartaas farxada leh kula wadaagno.

AKHBAARRA SAGAALAAD;

Shirkad Japan laga leeyahay ayaa muujisay in guul laga gaaray daawo wax ku ool ah magaceedana la yiraahdo Faviporavir kadib markii natiijo fiican laga helay tijaabadii lagu sameeyay bukaanadii Wuhan ee China.

AKHBAARTA TOBANAAD;

Germany ayaa sheegay iney suurto gal tahay iney helaan talaalka Viruska Corona ee Covid19 deyrta soo socoto. Waxayna shirkada talaalkaan oo lagu wado in looga hortago karo Corona Virus sheegtay ay awoodaan mudo sanad ah iney kusoo saaraan 200 ilaa 400 oo Million talaal ah.

AKHBAARTA 11AAD;

China ayaa diyaarisay 5 doorasho talaal tijaabo ah kuwaasoo dhamaantooda looga hortagi karo Viruskaan waxayna intaas ku dareen in talaalkaan uu isla bisha April diyaar noqon doono.

AKHBAARTA 12AAD;

Talaalkii ay howshiisa waday dowlada Mareykanka ayaa isna gabo gabo ku dhaw waxaana lasoo saari doonaa dhawaan.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here