Maku daashay wararka naxdinta leh ee Corona Virus? Hadaba waxaan idiin heynaa 12daan war ee farxada leh.

0
971

Waxaa is xig xiga wararka naxdinta leh kuwaasoo maalin maalinta ka danbeyso sii kordhaayo misna la xiriira Viruska aduunkaa dhan saameeyay ee Corona Virus kaasoo uu sababo Covid19 aduunka dhana saameeyay. Waxaa macquul ah in qof walba siduu wararkaas naxdinta leh u maqlaayay uu niyad jab ka qaado iyo walbahaar joogto ah khaasatan dadka uu wadamada ay joogaan sida ba’an ugu faafay.

Sidaas owgeed waxaan idiin heynaa warar farxad leh misna bishaaro leh kuwaasoo niyada kuu dhisayaan.

Balse kahor intaanan warbixintaan iyo akhbaartaan wanaagsan bilaabin waxaan dooneynaa inaan kuu xaqiijino in maqaalkaan uusan aheyn mid hoos loogu dhigaayo halista cudurka Corona Virus ama uusan aheyn mid aan kuugula talineyno in aad cudurkaan yareysato isla markaasna is dhigato adigoona iska indho tiraayo talooyinka hey’adaha caafimaadka aduunka ee kahor taga iyo ka fogaanta asbaabaha aad cudurkaan ku qaadi karto balse ujeedka uu yahay inaan kaliya akhbaartaas farxada leh kula wadaagno.

KHABARKA KOOWAAD;

Waxay warbixinada tilmaamayaan in celcelis 99% dadka uu Viruskaan haleelo ay ka caafimaadaan iyadoo qaarkood xitaa uusan cudurka jirkooda wax saameyn weyn ku yeelan si fududna uga caafimaadaan.

KHABARKA LABAAD;

Inkastoo dad kumanaan kabadan ilaa haatan geeriyoodeen hadana ayadoo saas tahay tirada guud ee dhimashada dadka caabuqaan haleelay waxay ka yartahay celcelis ahaan 1% markii loo fiiriyo dadka uu Viruska ku dhacay. Tiradaan waa mid inbadan kabadan Viruskii China ka dilaacay 2003dii kaasoo tirada dhimashada celcelis ahaan aheyd 11% amaba kii waqooyiga africa ka dilaacay ee Ebola kaasoo asna tirada dhimashada aheyd 90%.

Ayadoo tirada guud ee dhimashada ka yartahay 1% hadana waxay kusii xirantahay inta badan da’da ay jiraan tusaale dadka da’dooda u dhaxeyso 70 ilaa 79 sano celcelis dhimashadooda waa kaliya 5% halka tirada dhimashada dadka da’dooda u dhaxeyso 60 ilaa 69 sano ay tahay kaliya 2.16%.

Dadka da’dooda 40ka sano kaweyntahay ilaa 59 sano u dhaseyso halista dhimashadooda waa 0.3% waana arin ku tusineyso in dhimashada Viruskaan aad ugu yartahay.

AKHBAARTA SADAXAAD;

Waxay u muuqataa in caruurta Viruskaan qaadaan sidoo kalana gudbiyaan balse aad ayuu ugu yaryahay tirada caruurta uu Viruskaan ka haleelo markii lala barbardhigo dadka waaweyn.

AKBAARTA AFARAAD;

Aduun weynaha oo idil wuu ka warqabaa halista iyo xaalada taagan oo cid is dhigatay haatan ma jirto sidaas owgeed dowladaha iyo xukuumada si dhab ah ayay u howlgalayaan waxaana ka go’an la dagaalanka Viruskaan.

La soco qeybta 2aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here