Bollywood-ka waa goob ganacsi waxaana qasab ah atoorihii Flop-kiisa ama guul daradiisa badato inuu saaxada ka bixi doono.

Balse atooraha kartida badan Manoj Bajpayee wado u gaar ah ayuu ku socdaa waayo xidigaan Flop-ka uu sameeyo ayuuba magac ka helaa sidoo kalena u suura galiyo inuu Bollywood-ka baaqi kusii ahaado.

Manoj Bajpayee wuxuu yiri “Guusha cashar gaar ah kuma barto, laakiin guuldarada iyo diidmada waxay ka dhigaan qof adag oo karti badan”

“Nolosheyda diidmo badan ayaan la kulmay sidoo kalena filimo badan ayaa Flop iga noqdeen, waxaana ahay atoore tusaale u taagan kaasi oo ah mid Flop-kiisa ku meel maray!”

Manoj Bajpayee oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Farahaaga ayaa ku tirin kartaa filimada Hit-ka ah ee aan sameeyay balse ma tirin kartid filimada Flop-ka ah ee aan sameeyay”

“Halkaan (Bollywood) waxaan ku joogaa filimada Flop-ka iga noqdeen ee aan amaan lixaad leh iyo aqoonsi caalami ah ku helay”

“Filimadeyda Flop-ka noqdeen ‘Aligarh’ and ‘Budhia Singh’ waa kuwa magaceyga dunida ku faafiyeen sidoo kalena sababeen in xaflado caalami ah la iigu yeero haatana dunida meelo ka mid ah laga daawanayo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here