Bokhorka Bollywood, Shah Rukh Khan oo marti ku ahaa barnaamijka Namaste oo ka baxa TV-ga Zee ayee taageera yaasha ku weediyeen su’aalo kala duwan.Shah Rukh Khan ayaa waxa loo soo bandhigay su’aalo kala duwan balse mid ayaa ka soo jiidatay

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa jilaaga weydiiyey sababta uu u guursaday isaga oo da’yar. Hase yeeshe Shah Rukh ayaa ka bixiyay jawaab aad u soo jiidatay dadka.

“Walaal , jacayl iyo nasiib waxay wehel kula noqon karaan mar uun, marka labada waxaan ka helay xaaskayga Gauri oo aan marnaba i dareen siinin cidlo waa sababta aan u guursaday.”

Shah Rukh ayaa guursaday xaaskiisa Gauri sanadki 1991-kii kaddib muddo lix sano ah oo ay is wada yaqaaneen. Waxay noqdeen waalidiin markoodii ugu horreysay 1997-kii oo uu dhashay wiilkoodii ugu horreeyey 2000-kii, iyo wiilka ugu yar qoyskooda AbRam oo dhashay 2013-dii.

Qaar ka mid ah jilayaasha ugu caansan dalka Hindiya ayaanan weli guursanin sida Saaxibkiis Salman Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here