Lamaanaha Filimka Malang Aditya Roy Kapur iyo Disha Patani si weyn ayaa looga helay iskuso dhowaanshahooda mashruucan iyo sidee shaashada jaceyl ugu jileen markale ayeena rabaan inee daawadayaasha madadaaliyaan.

Sida wararka sheegayaan xidigahan waxay markale ku midoowi doonaan Filim kale oo Mohit Suri iska leeyahay kaaso ah Ek Villain 2 shaashada ayeena jaceyl kuwadaagi doonaan bandhigii Malang waa la ilaawi doonaa in badan.

Ilo-wadareed waxaa lagu sheegay misane laga soo xigtay Mohit Suri sidatan,”Ek Villain 2 waxaa hogaamiyaal ka noqon doonaan John Abraham iyo Aditya Roy Kapur oo iyaga iska soo horjeedaan dagaalkii Adduunkana kudhex mari doono.”

“Mashruucan Action-ka ah labo atiriisho ayaa lagu soo dari doonaa oo labada atoore shaashada jaceyl kula wadaagi doona labadaas atiriisho mid kamid ah waa Disha Patani oo Mohit Suri ugu talo galay inee jaceyl ka wadaagto Aditya.”

“Hader Mohit waxuu jawaab ka sugayaa dhanka Disha hadee aqbashana waa sidii uu rabay” waa warbixin saxaafada lala wadaagay dhanka jale Ek Villain 2 waxaa qarash gareynayaan Bhushan Kumar iyo Ekta Kapoor qorshahana waa in la daawado 8 Janaayo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here