Filimka Malang ee masraxa saaran mudo 6-maalmood ah ayaa ganacsi wacan sameeynayaa maalmaha shaqada, xitaa hadii laga soo gudbay fasaxa todobaadka ee Sabti iyo axad.

Shalay oo talaado ahed mashruucan waxuu keenay 3.75 Crore (Trade Figure) waxaana xusid mudan inuu sameeyay ganacsi kudhow kii uu isniintii sameeyay taasi waxay ka dhigantahay hadii maanta oo arbaco ah xitaa uu hoos udhaco 10% ganacsigiisa shalay marka lala bar bardhigo wuu guuleysana filimkaan shaki la’aan.

Wadarta guud hader waxuu marayaa 31.75 Crore todobaadkiisa kowaad na 38 Crore ayuu keeni doonaa kadibna wadadii uu 50 Crore ku keeni lahaa ayuu diirada saara waliba cimri ahaan waxaa la filaa 55-60 Crore inuu gaaro.

Jimcada waa maalin fasax ah fursad weyn ayuuna heystaa Filimkaan ganacsi fiican ku sameeyn karo maadama maaljnta jaceylka aduunka (14 Feb) ku beegantahay sido kale beri oo khamiis ah sare ukac ayaa la filaa waliba galinka dambe.

Dhanka kale Filimka Shikari ayaa bur bur ganacsi weyn ku habsaday waxuu hoos udhacay 20% shalay marka isniintii lala barbardhigo sido kale ganacsi gaabis ah ayuu sameeyay waxaana muuqata todobaadkiisa kowaad 6 Crore inuu keeno doono maadama hader wadarta guud uu maraayo 5.35 Crore (Trade Figure).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here