Aditya Roy Kapur, Disha Patani, Anil Kapoor iyo Kunal Khemu filimkooda Malang waxaa lagu tilmaamay maalintiisa kowaad ee masraxa la saaray inuu FLOP noqon doono sidoo kalena qolyaha aflaanta ka faaloodaan mashruucan sheekadiisa mid aad u liidato ayay ku tilmaameen balse labadas arinba wax kama jiraan ayay noqotay.

Waayo filimka Malang laga bilaabo maalintiisa kowaad ilaa maalintiisa lixaad ganacsi adag ayuu sameenayaa sidoo kalena filimkan Action-ka iyo qayaanada isku jiro daawadayaasha wey ka heleen madaama maal maha shaqada ganacsi ahaan si wacan isku celinaayo.

Sida ay soo daabacday shabakada BOI filimka Malang wuxuu keenay 3.25 Crore Arbacadiisa kowaad taasi oo ka dhigan mudo lix maalmood ah inuu soo xareeyay 35 Crore waxaana muuqato in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 38 Crore kadib fursad wacan uu todobaadkiisa labaad ku gadmo ayuu heestaa hubanti ahaana filimkan wuu gaari doonaa 60 Crore oo ah barta uu ku guuleesan karo.

Shabakada BOI waxay leedahay filimka guushiisa iyo guul daradiisa qolyaha aflaanta ka faaloodaan ma xukmin karaan ee daawadayaasha ayaa xukmin karaan sidaa darteed Malang wuxuu ku biiray liiska aflaanta dhawaanahan kuwa aflaanta ka faaloodaan FLOP ku tilmaameen laakiin daawadayaasha soo dhaweeyeen.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Malang iyo mudo lix maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 6.50 Crore

Sabti – 8.25 Crore

Axad – 9.25 Crore

Isniin – 4 Crore

Talaado – 3.75 Crore

Arbaco – 3.25 Crore

Wadarta Guud – 35 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here