Barnaamijka caanka ah ee TV-ga Naagin 5 oo ay jilayaan Sharad Malhotra, Surbhi Chandna, iyo Mohit Sehgal oo hawada soo galay bishii agusto ee sanadkii 2020 ayaa dhamaantood lagu wadaa in la soo gabagabeeyo bisha February ee sanadkan.

Sida la sheegay, Naagin 5 ayaa shaashadaha ka bixi doona bisha soo socota kadib markii ladaawanaayay mudo lix bilood ah. In kasta oo taariikhda la sii daaynayo qaybtii ugu dambaysay aan la dhammaystirin, kooxdu waxay duubayaan dhammaadka Januaryo qeybta udambeesa ee laga sugayo. Bandhigu wuxuu kasbaday daawasho wanaagsan inta badan xariirka udhaxeysa Sharad iyo Surbhi.

Sharad wuxuu matalayaa doorka wiil yar oo xun Veeranshu Singhania isagana waxuu kumatalayaa nin awood badan. Dhanka kale Surbhi waxee isu bedashay naag ka ciyaareysa doorka Aadinaagin daawadayaashuna way jeclaayeen.

Dhinaca kale, waxaa jira warar sameynaya isbadalo ku saabsan in barnaamijka cusub ee Ekta Kapoor ee ku saabsan vampires lagu beddeli doono Naagin 5. Tani waa markii labaad ee gabarta Kapoor keento filim ku saleysan vampires. Waxay horey u soo saartay taxane la yiraahdo Pyaar Kii Yeh Ek Kahaani oo ku saleysan vampires.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here