Waxaan wada ognahay filimka weyn ee Tamil-ka ah Master inuu hogaamiye ka yahay Superstar Vijay lana daawan lahaa 9 April 2020 balse midaas suurta gal noqon weesay dhibaatara Coronavirus-ka Hindiya iyo daafaha caalamka u geesta welina xaalada caadi kuma soo laabanin sidaa darteed mashruucan lama garan karo waqtiga tiyaatarada la saari doono.

Waxaa xusid mudan markii ugu horeesay atirishada kowaad ee filimkan Malavika Mohanan inay mashruucan ka hadashay waxayna si gaar ah banaanka usoo dhigtay arin taageerayaasha Superstar Vijay siweyn u xiiso galisay kadib markii ay tiri “Master waa filim cajiib badan oo dhan walbo ka dheeli tiran waxaana si adag ugu xifaaltami doonaan Superstar Vijay iyo Vijay Sethupathi anigana waxaan gara siin doonaa Vijay waana hubaal in doorkeyga daawadayaasha ka heli doonaan.”

Malavika Mohanan sidoo kale waxay sheegtay inay aad uga heshay la shaqeynta Vijay waxayna tiri “Filimkeyga ugu horeeyay Tamil ah waxaan la sameeyay Superstar Rajinikanth anigoo filimkii Petta kala soo muuqday haatana waan nasiib badanahay madaama Vijay aan Master la sameeyay waa shaqsi cajiib badan oo aan wax badan ka bartay marwalbana u xiisi doono la shaqeyntiisa.”

Ugu dambeyntii atirishadan soo jiidashada badan Malavika Mohanan waxaa la weydiiyay haddii uu jiro atoore Bollywood ah oo ay jeclaan laheyd inay la shaqeyso waxayna ku jawaabtay “Haa wuu jiraa weliba meel gaar ah ayuu iigu qoran yahay waana Ranbir Kapoor oo aan marwalbo ku riyoodo inaan shaashada kala soo muuqdo. Sidoo kalena waxaan jeclaan lahaa SRK inaan la shaqeeyo weliba farxad weyn ayay ii ahaan lahayed xitaa haddii aan muuqaal yar ku yeelan lahaa filim SRK hogaamiye ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here