Malika arora iyadoo atariisho weyn ahayn ayaa waxa ay iska heysataa saxaafada maadaama ay qasab tahay in wax ka qoraan atariishadan waxaana midaas u sabab ah ka dib markii ay uu furay arbaaz khan iyadoo muddo ka dib xariirka jaceyl la sameesay aktarka arjun kapoor

Arjun kapoor iyo malika arora ayaa dhawaan waxa ay qorsheenayaan inay is-guursadaan waxaana loo badinaaya inay sanadkan aqal-galaan labadan lamaane sidoo kale waxaa arrintan si weyn ugu hadlayn shaqsiyaad fara badan kuwaaso tooshka ku ifiyay da’da atariishadan ay jirto inay in kan badan ka weyn tahay Arjun 

haddaba atariishadan oo la hadlaysaa saxaafada ayaa waxa ay jawaab kulul siisay shaqsiyaadkaas iyadoo tiri ” waxaan hadda dhexda kaga jiraa xiligayga ugu fiicnaa dhanka da’da waxaana ka mid ahay dumarka ugu farxada badan dunida waxaan aaminsanahay inay noloshada hadda ii bilaabatay sidoo kalena ay i sugayaan waayo qurux badan oo farxad badan aniga weligay qalbiga ma gashan hadal ka yimid shaqsi aan wax hubsan weligay waxaan ku dadaali doona inan helo nolol fiican”

Malika Arora waa garoob shidan waxaana ay si weyn loogu xamanaaya inuu xariir kala dhaxeeyo aktarka Arjun Kapoor kuwaaso xitaa lagu xamanaayo inay is-guursan doonan sanadkan gudihiisa iyagoo labadan lamaane maalmahan dambe ay muujinaayaan xariirkooda maadaama la arko iyagoo in badan wada socda



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here