Waxaa xalay si rasmi ah u furantay xaflada sanadlaha ah ee loogu dabaal dago shineemooyinka India jiritaa kooda ee MAMI Filim Festival mudo hal todobaad ah ayee socon doontaa xafladaan oo maalin walba jilayaal horleh ayaa kasoo qeyb galayaan.

Waxaa meesha lagu xusaa aflaamtii hore, iskooradii hore sido kale waxaa lagu abaal mariyaa shaqsiyaadka bandhiga wacan la imaadeen ee Bollywoodka katirsan hadaba xalay ayee bilaawatay xafladan waxaana kasoo qeyb galeen shaqsiyaad caan ah.

Filimsameye Karan Johar, Deepika Padukone, Taapsee Pannu iyo xidigo kale ayaa xalay rooga casaanka ah kasoo muuqdeen jilayaasha qaar fiidkii hore munaasabada soonka haweenka hinduuga ayee ku mashquulsanaayen sida Deepika oo Ranver dartiis u soomtay hadana fiidkii dambe xaflada MAMI ayee timid.

Konkona Sensharma ayaa sido kale kamid ahed atiriishooyinka xafladan ka qeyb galeen xalay wali howsha ma dhowa 6 maalmood ayaa dhiman iyo xidigo badan oo kasoo qeyb gali doonaan bal hoos ka daawo kuwii xalay lagu arkay goobta..

mami opening ceremony
MAMI 2019 Opening Ceremony: Deepika Padukone, Karan Johar, Taapsee Pannu dazzle on the red carpet

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here