In la wadaago shumiska bishimaha wax sahlan kama aheyn Bollywoodka 90-madkii oo Ragg iyo dumar cidna kuma dhiiran jirin inta badan saas eetahay waxaa la helaayey qaar kamid ah oo ku dhiirn jireen sameeynta muuqaladaas oo xiligaas anshax-xumo weyn loo arkaayey.

Akshay Kumar qof walba ayaa og shartii uu dhigaayey 90-kii iyo inuu ahaa atoore ay bixiyeen dadka qaar magaca “shabeel naagood” hadaba waxaan soo helnay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan atiriishada Mamta Kulkarni oo shumis la wadaagtay Akshay Kumar.

Seddex muqaal ama afar muuqaal oo shumisk bishimaha ah ayee Mamta la wadaagtay Akshay Kumar intii la duubaayey filimkii caanka ahaa Sabse Bada Khiladi ee la daawaday 1995.

Arinka xiisaha leh waxay tahay in Mamta diiday markii hore inee duubto muuqaladaas shumiska labo sababood ayeena udiiday mida kowaad wey k xishootay in hadal heyn dhaliso muuqaladaas ay Akki la wadaageysay.

Mida labaad xiliyadaas waxaa daba socotay xidigtaan fadeexooyin fara badan maadama Shirkada Magasine ay u duubtay muuqaal madaxeeda ilaa caloosheeda qaawan waxayna ahaayen Fashion-kii ugu hadal heynta badnaa iyo fadeexadii ugu weyned atiriisho kudhacdo 90-kii Bollywoodka.

Arimahaas oo jireen aawged Mamta wey diiday sida la sheegay balse kooxda filimka ayaa heshiis cusub u fureen xidigtaan oo ka baxsan midka mushaarka filimka ay ku qaadaneysay waxayna ku tuug tuugeen sida la sheegay lacag lagu qiyaasay 10 Lakh ila 15 Lakh oo ay markii dambe ogolaatay lacagtaasna ku qaadatay.

Waa markii ugu horeysay atiriisho Bollywood katirsan intee iska diiday muuqaalo anshax xumo inee shaashada kujisho hadana lacag darteed u ogolaatay kadib wado ayee noqotay atiriishooyin badan ayaa lacago waali ah ku dalban jireen inee muuqaaladaas sameyaan hadase sheekadaas majirto.

Shumiska bishimah wax caadi ah ayuu noqday mana jirto inta badan atiriisho diideyso tii diidan filimka ayaa laga saaraa xitaa atiriishooyinka xidigaha waaweyn ayaa sameyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here