Manchester United oo soo wajahday cabsi ku aadan inay gacmaheeda ay ku wayso Dean Henderson.

0
247

Sida laga soo xigtay The Athletic, saraakiisha United ayaa ka walaacsan inuu dalbado warqada ruqsada kooxda ka hor inta aan la gaarin waqtigiisa.

Goolhayaha da’da yar ayaa la saadaalinayay inuu ka tagayo xagaagii hore ka dib markii uu dib ugu soo laabtay Old Trafford oo uu amaah ugu soo ciyaaray Sheffield United.

Henderson ayaa ka go’aankiisa ahaa inuu kooxda Manchester United uu ka raadsado koox uu fursad ka helaayo balse Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku qanciye inuu heli doono waqti dheer oo uu la wadaajini doono booska David de Gea balse taa ma dhicin.

Dean ayaa xilli ciyaareedkan, kaliya wuxuu ku guuleystay inuu 12 kulan ku soo bilowdo tartamada oo dhan, waxaana mar kale loo saadaaliyay inuu ka tagayo xagaagan.

Tottenham Hotspur iyo Borussia Dortmund ayaa labadoodaba la sheegayaa inay xiiseynayaan ka hor inta uusan furmin suuqa kala iibsiga xagaaga balse kooxda sida qaaska ah isha ugu hayso ayaa la sheegay inay tahay kooxda uu hogaaminaayo Jose Mourinho oo ay hore ugu soo wada shaqeeyen Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here