Sida aan wararka ku heleyno labada atoore ee caanka ah Manchu Vishnu iyo Suniel Shetty ayaa haatan filimkooda Hollywood-ka iyo Telugu isku jiro ah The Fraudseter ama Mosagallu loogu yeero ku duubayaan magaalada Hyderabad weliba waxaa la sheegay ficilo ama Action-mo halis ah inay labadan duubayaan oo filimkan isku heli doonaan.

Director Jeffrey Gee Chin ayaa koox Hollywood-ka ka socoto keenay magaalada Hyderabad waxayna diyaarinayaan muuqaalada halista ah Suniel iyo Vishnu wada duubayaan Action-madan waxaa la sheegay ka hor inta aan la duubin in labadan atoore tababar adag qaateen madaama ficil walbo oo halis ah sameenayaan iyo muuqaal orod ama is bursi ah madaama Suniel askari filimkan ku jilaayo halka Vishnu isagana ku jilaayo tuug xeelad badan sidoo kalena Kajal Aggarwal ayaa filimkan atirisho kowaad ka ah.

Director Chin wuxuu yiri “Kani waa muuqaalkii iigu dhibka badnaa ee aan duubo dhanka sameynta Action-ka balse waxaan u mahad celinaa Suniel iyo Vishnu oo si heer sare ah kaalintooda kaga soo baxeyn run ahaantii ficiladan waxay noqon doonaan kuwii ugu cajiibsanaa ee fanka Telugu ebid sameeyaan inkastoo filimkeena Hollywood yahay haddana asigoo Telugu ah waa la daawan doonaa.”

Muuqaladan saameynta badan abuureen waxaa lagu duubay istuudiyaha caanka ah Ramoji Film City weliba goob gaar ah ayaa loo diyaariyay waxaana la diiday in kaamiro ama mobile lala soo galo si aan loo xadin sawirada shaqada dhibka badan socoto oo aan baraha bulshada loo dhigin waxaana filimkan la daawan doonaa xagaagan ama bartamaha sanadkan 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here