Manushi Chillar”Ranveer Singh Qofkii La Shaqeeyo Qibrad Weyn Ayuu Ka Faaidaa”

Gabadha quruxda aduunka qaaday Manushi Chillar ayaa xidiga weyn Ranveer Singh ku amaantay inuu leeyahay qibrad heer sare ah wada shaqeentisa ay farxad galisay.

Manushi iyo Ranveer ayaa xayeysiin yar oo ay Tv usameenayeen wada qabteen halkaaso ay Manushi kaga hadashay sida ay ugu faraxsantahay la shaqeenta atoorahan.

“Qofkii Ranveer la shaqeeya xaqiiq ahaan qibradiisa waxba ugu kordheesa oo wax cusub ayuu ka faaidaa, waa shaqsi waayo arag ah wada shaqeentisa kufarxad galineyso.”

Dhanka kale Ranveer shalay ayuu Mumbai dib ugu soo laabtay kadib isagoo soo gaba gabeyay jadwalkiisa kowaad filmak Simmba..