Manutd v Arsena iyo Hordhaca isbuuca 7aad ee Horyaalka EPL

0
308

EPL Week 7: Sabti kulamada la cayaarayo:

Sheffield United vs Liverpool (2:30 pm):

Bramall Lane wuxuu ka mid yahay sedexda garoon EPL ku cayaartay Liverpool oo aysan ku guuleesanin sedex jeer horey u booqdeen wax guul ah kuma gaarin sidoo kalena garoomada kale aysan EPL ku guuleesanin waxaa ka mid ah Nottingham Forest garoonkeeda City Ground (5 kulan) iyo Blackpool garoonkeeda Bloomfield Road (1 kulan)

Chelsea vs Brighton (5:00 pm):

Brighton 13 kulan safar u aadeen kooxaha Big Six kaliya hal kulan ay bar baro heleen 12 kulana waa laga badiyay weliba xili cayaareedkii hore markii ay Chelsea booqdeen 3-0 ayaa lagu dhuftay.

Spurs vs Southampton (5:00 pm):

Kulan wuxuu noqonayaa midka labaad ee labo naadi EPL ka tirsan 5 garoon kala duwan isku arkaan waxay labadan kooxood horey ugu wada cayaareen Wembley, White Hart Lane, St Mary iyo The Dell haatana garoonka cusub Spurs ayaa shan ku noqonaayo sidoo kalena Spurs vs West Ham 5 garoon kala duwan ayay isaga hor imaadeen.

Everton vs Man City (7:30 pm):

Everton 10 kulan ayay garoonkooda kaga badiyeen koox horyaalka difaacaneyso waxaa ka badan oo kaliya Liverpool oo 13 kulan garoonkeeda kaga badisay koox EPL difaacaneyso.

Isniin: Man United vs Arsenal (10:00 pm):

Pierre-Emerick Aubameyang 13 gool ayuu dhaliyay 13 kulan ugu dambeeyay EPL lagu soo bilaabay. Sidoo kalena 6-gool uu dhaliyay 6 kulan ugu horeyso xili cayareedkan cayaaryahan Gunners ah oo sidaan sameeyo waxaa ugu dambeeyay Emmanuel Adebayor xili cayaareedkii 2007/08

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here