Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo daabacday maqaalka ay kaga hadasho awooda atoorayaasha Bollywood-ka ee loo yaqaan (Star Power Ranking) madaama bishii December 2019 soo idlaatay shabakadan waxay Update gareesay awooda atoorayaasha.

Haddaba maqaalkan oo dhinacyo badan taabanayo waxay BOI ku sheegtay in Megastar Salman Khan weli kaalinta kowaad kaga jiro awooda atoorayaasha weliba sida guudna 10-kii sano aan kasoo gudubnay Salman kaalinta kowaad ku dhameestay intii u dhaxeesay 2010 ilaa 2019.

BOI oo arinkan sharaxaad ka bixineyso waxay sheegtay in Salman Khan wado dheer usoo maray hogaanka Bollywood-ka inuu la wareego waxay soo qaateen September 2010 markii ay Star Power-ka atoorayaasha xiligaas soo daabacayeen in Salman lagu lahaa -267 dhibcood sidoo kalena 500-dhibcood uu awood ka hooseeyay labada xiligaas Bollywood-ka ugu awooda badnaayeen Shah Rukh Khan & Aamir Khan.

Laakiin Dabangg markii uu Salman usoo baxay September 2010 wax walbo wey isbadaleen, haddana wuxuu kusii xijiyay Ready iyo Bodyguard oo uu 2011 la imaaday waxayna ka caawiyeen sedexdan filim xariirka ahaayeen inuu halmar dhaafo asaagiis SRK iyo Aamir kadibna wixii ka dambeeyay 2011 loolanka Bollywood-ka hal faras ayuu noqday oo Salman Khan kaligiis saaran yahay!

Halista Hadda Sallu Kusoo Fool Leh Shabakada BOI Wey Bidhaamisay:

Balse labadii sano ugu dambeesay isbadalo xoogan ayaa Bollywood-ka ka dhacayeen, waxaan ogeyn markii Salman Khan uu Tiger Zinda Hai la imaaday in awoodiisa gaartay 2700-dhibcood ka sareeyo atoorihii kusoo xigo awood ahaan waxaana la islahaa lama soo qaban doono halisna lama galin karo.

Balse hadda wax walbo waa isbadaleen wuxuuna Salman Khan awood ahaan ka sareeyaa atooraha kusoo xigo oo Akshay Kumar ah 1900-dhibcood sidaa darteed halis xoog leh ayaa Sallu kusoo wajahay oo dhanka Akshay Kumar kaga imaaneyso.

Weliba si gaar ah sanadkan 2020 Akshay Kumar halis weyn ayuu Salman Khan galin doonaa madaama aflaan waa weyn ku dhawaad sedex ah usoo bixi doonaan sidoo kalena filimadii Akshay sida liito ku furmeen fagta kowaad sanadihii ugu dambeeyay wey ka baxayaan u xisaabinta Star power-kiisa madaama atoore walbo loo xisaabiyo 38-bilood ugu dambeesay ama hal sano iyo barka ugu dambeesay filimada uu la imaaday midaasna Akshay waxay ka caawinee filimadii uu sameeyay 38-bilood ka hor ee sida gaabiska ah ku furmeen inay meesha ka baxaan Star Power-kiisana sare usii kaco oo ay badalaan aflaanta hadda sida heerka sare ah ugu furmayaan fagta kowaad.

Sidoo kalena Salman Khan aflaantiisii sida waalida ah ku furmeen fagta kowaad iyagana bilooyinka xiga waxay ka baxayaan System-ka ama Star Power-ka taasi oo ka dhigan in awooda Salman is dhimeyso halka awooda Akshay sare usoo kaceyso.

Ranbir Kapoor isaga xitaa awoodiisa waa mid balaaran balse isaga ka faa’iideesaneyn fursada hortaalo waxay ahayd Sanju kadib in 2019 filim la imaado hadda filimkiisa xiga waxaa macquul ah bisha 7-aad sanadkan inuu soo baxo waa mar Akshay Kumar 2-filim usoo baxeen Salman hal filim masraxa loo saaray marka wiilkan aflaantiisa oo yar awgeed lama tartami karo Kumar iyo Salman waana sababta keentay in booska labaad uu Akshay awood ahaan kala wareego.

Tiger Shroff wuu soo karaar qaatay awood ahaana booska 4-aad ayuu soo fariistay haddana waa hubanti inuu u diyaarsan yahay u tartamista la wareegista hogaanka Bollywood-ka madaama filimkiisa Baaghi 3 dhawaan soo baxaayo awoodiisa sare si waali ah u qaadi doono, haddii uu joogteeyo sanad walbo labo filim inuu la imaado halistiisa ayuu wataa wiilkan!

Shah Rukh Khan & Aamir Khan 10-sano ka hor awooda Bollywood-ka iyaga isku heesteen mana loo dhawaan karin balse iyagaa is dhigteen waayo aflaantooda oo yar waxaa ka faa’iideestay Salman Khan oo sanad walbo 2-filim la imaanayay 10-kii sano aan kasoo gudubnay taasina waxay sababtay labadan inay gadaal u dhacaan haddana maba soo dhawo oo gadaal ayay usii dhaco waxaana ugu wacan aflaantooda oo yar iyo loolanka Bollywood-ka oo hadda aad u sareeyo.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka atoore ee Bollywood-ka ugu awooda badan (Star Power Ranking) qiimeynta ugu dambeesay shabakada BOI soo saartay bishii Janaayo 2020:

1. Salman Khan – 1894 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 1630-dhibcood, booskiisa ayuu fadhiyaa.

2. Akshay Kumar – 895 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 685-dhibcood, hal darajo ayuu sare usoo kacay.

3. Ranbir Kapoor – 891 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 930-dhibcood, hal darajo ayuu hoos u dhacay.

4. Tiger Shroff – 652 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 586-dhibcood, hal darajo ayuu sare u kacay,

5. Ranveer Singh – 623 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 567-dhibcood, hal darajo ayuu sare u kacay.

6. Aamir Khan – 600 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 600-dhibcood, labo darajo ayuu hoos u dhacay.

7. Hrithik Roshan – 528 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 522-dhibcood, booskiisa ayuu fadhiyaa.

8. Ajay Devgn – 301 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 325-dhibcood, booskiisii ayuu fadhiyaa.

9. Shahrukh Khan – 135 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 155-dhibcood, booskiisii ayu fadhiyaa.

10. Varun Dhawan – 36 dhibcood, wuxuu Dec 2019 heestay 45-dhibcood, booskiisii ayuu fadhiyaa.

F.G: Aflaanta Janaayo 2020 soo baxeen qiimeyntan kuma jiraan awooda atoorayaasha looma qiimeynin ee bilaha xiga ayaa loo qiimeyn doonaa. Sidoo kalena Star Power-ka ama awoodaha atooraha waxaa lagu saleeyaa sedexda maalmood ugu horeyso sida uu filimka u gaddi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here