Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo daabacday maqaalka ay kaga hadasho awooda atoorayaasha Bollywood-ka ee loo yaqaan (Star Power Ranking) madaama bishii Maarso 2020 soo idlaatay shabakadan waxay Update gareesay awooda atoorayaasha.

Megastar Salman Khan weli waa atooraha ugu awooda badan Bollywood-ka isaga ayaa kaalinta kowaad ku jiro qiimeynta kala sareynta awooda atoorayaasha bisha Maarso 2020 ugu dambeesay balse farqiga uu haatan hogaanka ku haayo waa 831 dhibcood halka qiimeyntii Janaayo markaas uu 1000 dhibcood farqi ah hogaanka ku haayay.

Waana hubanti in dhibcaha Salman hoos usii dhici doonaan marka xigta kala sareynta awooda atoorayaasha lasoo Update gareeyo dhamaadka bisha June madaama liiskiisa keedka filimada loo xisaabiyo ka bixi doonaan Tiger Zinda Hai iyo Race 3 kuwaas oo sedexda maalmood ugu horeesay 100 Crore ka talaabeen waayo atoore kasto waxaa loo xisaabiyaa awooda filimadiisa mudo 18-bilood ah filimkii keedka ugu jiro waa laga saaraa.

Akshay Kumar weli kaalinta labaad waana atooraha kaliya ee Salman Khan halis ku ah madaama filimadiisa si wanaagsan ku furmayaan sidoo kalena sanadkii sedex ama afar filim uu la imaanayo. Ranbir Kapoor weli kaalinta sedexaad ayuu ku jiraa balse masii fadhin karo booskan madaama sanadkan 2020 u badan tahay inuusan filim usoo bixi doonin dhibcahiisana hoos ayay usii socon doonaan.

Superstar Ajay Devgn awoodiisa waxaa ku korartay 105 dhibcood madaama Tanhaji si wanaagsan ku furmay sidoo kalena Blockbuster noqday waana atooraha kaliya ee sedexda bilood ugu dambeesay dhibco u kordhaan balse weli booskiisa 8-aad ayuu fadhiyaa.

Shah Rukh Khan kaalinta 9-aad ayuu ku jiraa mana ahan boos uu u qalmo waxaana ugu wacan in dhibcahiisa halkii halkii ugu hooseeyo tagaan in filimadiisii ugu dambeeyeen Jab Harry Met Sejal iyo Zero si liidato ku furmeen. Waxaa la sugi doonaa sanadka dambe 2021 soo laabashada uu sameeyo madaama weli suuqyada caalamka awood ku leeyahay.

Isbadal weyn ayaa dhici doono bilaha nagu soo fool leh marka xaalada caadi kusoo laabato madaama aflaan waa weyn soo bixi doonaan awooda atoorayaashana sare u qaadi doonaan isadal weyna sameyn doonaan.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka atoore ee Bollywood-ka ugu awooda badan (Star Power Ranking) qiimeynta ugu dambeesay shabakada BOI soo saartay bishii Maarso 2020:

1. Salman Khan: 1718 dhibcood, wuxuu Janaayo 2020 heestay 1894 dhibcood

2. Akshay Kumar: 887 dhibcood, wuxuu Janaayo 2020 heestay 895 dhibcood

3. Ranbir Kapoor: 803 dhibcood, wuxuu Janaayo 2020 heestay 891 dhibcood

4. Tiger Shroff: 634 dhibcood, wuxuu Janaayo 2020 heestay 652 dhibcood

5. Aamir Khan: 600 dhibcood wuxuu Janaayo 2020 heestay isla 600 dhibcood

6. Ranveer Singh: 598 dhibcood wuxuu Janaayo 2020 heestay 623 dhibcood.

7. Hrithik Roshan: 540 dhibcood wuxuu Janaayo 2020 heestay 528 dhibcood

8. Ajay Devgn: 406 dhibcood, wuxuu Janaayo 2020 heestay 301 dhibcood

9. Shahrukh Khan: 137 dhibcood wuxuu Janaayo 2020 heestay 171 dhibcood

10. Varun Dhawan: -175 dhibcood wuxuu Janaayo 2020 heestay 36 dhibcood

1 COMMENT

  1. Shabakada boxoffice india miyey waalan yihiin hadii filmanta dib udhac ku yimaado soo aduunko dhan ma xirxirna iney inta xaaladu saa tahay iney waxano kale kaba hadlaan way ku khaldan yihiin sababtoo ah xitaa filimaanti 2 aad soo baxay caabuqa jira saamayn wayn buu ku yeeshay lamana oga xiliga uu dhamaan doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here