Maqaal: 10-Ka Filim Kuwaaso Tiyaatarada Saarna Waqtiga Ugu Badnaa

Aflaamta Bollywood Waxay U Kala Baxaan Sadex Nooc Midka Kowaad  Marka La Daawado Dadka Ay Ku Reeba Xasuus Xun Oo Mar Dambe Aysan Doonayn Inay Daawadan Midka Labaad Oo Ah Mid Kaliya Filimka La Xiiseenayo Maalmaha Hore Ka Dibna Layska Hilaamayo Ama Uu Dhamaanaayo Xiisihiisa Midka Sadexaad ayaa Filim Classic Kaaso Daga Qalbiyada Dadka Oo Muddo Badan Aan Ka Xiiso Dhaceynin. Sadexdan Nooc Bollywood-Ka Waa Mid Ay Ka Dhacdo Laakiin Tan Ugu Adag Ayaa Ah In Filim Uu Awoodo In Tiyaatarada Mudo Saarnaado Midaas Oo Xilligaan Aan La Helaynin Taaso Ah Mid Aad U Adag Laakiin Waxa Jira Aflaam Classic Ah Kuwaaso Tiyaatarada Saarna Waqti Dheer

Fadlan Hoos Kaga Bogo Liiska Aflaamtaas

10. Maine Pyar Kiya

 

Kaliya Filimkan Maahan Filimka Uu Kusoo Caan Baxay Salman Khan Ee Kaa Soo Si Weyn Loo Amaanay Bandhigiisa Laakiin Waa Mid Ka Mid Ah Aflaamta Ugu Fiican Ee Soo Maray Bollywood-Ka Isagoo Hit Ka Noqday Boxx-Oficce Ka Filimkan Waxaa Tiyaatarada La Saaray 29 December 1989 Isagoo Saarna Tiyaatarada Muddo 50 Todobaad Ee Isku Xigta

9. Hum Apke Hain Koun

Filimka Ay Ku Midoobayn Salman Iyo Madhuri Ka Mid Ah Aflaamta Qaaliga Ee Aan La Helaynin Isagoo Noqday ATBB Waxaa Tiyaatarada La Saaray Sanadkii 1994 Isagoo Mashruucan Tiyaatarada Saarna Waqtiga Ka Badan 50 Todobaad

8. Raja Hindustani

Kani Waa Filimkii Amir U Suurta-Geliyay Inuu Ku Guuleysto Atooraha Sanadka Ka Dib 8 Mar Uu U Tartamay Filimkan Jaceyl Ka Ah Waxa Uu Tiyaatarada La Saaray Sanadkii 1996 Isagoo Tiyaatarada Saarna Muddo Ka Badan 50 Todobaad

7. Kaho Naa Pyar Hai

Filimkan Uu Hrithik Roshan Ku Dagay Qalbiyada Dadweynaha Waxa Tiyaatarada La Saaray Sanadkii 2000 Oo Waxaa Filimkan Lagu Qaatay Abaal-Marino Fara Badan Waxa U Tiyaatarada Saarna Muddo Ka Badan 50 Todobaad

6. Mohabbatein

Filimkan Ay Isku Fara-Saareen Amithab Iyo Shah Rukh Khan Waa Mid Sheekadiisu Tahay Classic Oo Jaceyl Ah Kasoo Ka Mid Aflaamta Ugu Guulaha Weyn Taariikhda Shirkadda Bollywood-Ka Isagoo Mashruucan Tiyaatarada in Ka Badan 50 Todobaad

5. Barsaat

Filimkan Waxa Ku Midoobayn Raj Kapoor Iyo Nargis Isagoo Tiyaatarada La Saaray Sanadkii 1949 Kana Mid Ah Aflaamtii Classicada Ahaa Isagoo Tiyaatarada Saarna Muddo Ka Badan 70 Todobaad

4. Mughal E Azam

Filimkan La Daawaday Sanadkii  1950 Waxa Uu Ahaa Filimkii Ugu Qaalisana Xilligiisa Isagoo Filimkii Ugu Horeeyay Ee Hindi Ah Ee Lagu Colour Isaga Waa Mid Tiyaatarada Saarna Muddo Fara Badan Taaso Ah 150 Todobaad

3. Kismet

Kani Waa Filimkii Ugu Horeeyay Ee Blockbuster Noqday Ee India Cinema  Sameeyaan Isagoo Tiyaatarada La Saaray Sanadkii 1943 Iyadoo Rikoorkiisa Uu Muddo Badan Meel Yaalay Kaaso Ah Inuu Tiyaatarada Saarna in Ka Badan 187 Todobaad

2. Sholay

 

Filimkan Waxa Ku Midoobayn Labada Aan Kala Dhicin Oo Kala Ah Amithab Iyo Dharmendra  Isagoo Tiyaatarada La Saaray Maalinta Xoriyada Dalka India Isagoo Markii Hore Ku Furmay Si Hoose Laakiin Sameeyay Sare U Kac Waali Ah Isagoo Dhigay Rikoor Dhanka Waqtiga Uu Tiyaatarada Saarna Taaso Ahayd  286 Todobaad

1. Dilwale Dulhania Le Jayenge

Filimkan Jaceyl Ka Ee Ay Ku Midoobayn Shah Rukh Khan Iyo Kajol Oo Dadka Ku Riday Waali Iyadoo Sida Ay Uga Baxsadeen Iyo Is-Fahamkooda Filimka Ayaa Ka Dhigay Mid Dad Badan Si Weyn U Soo Jiidatay Filimka  Classicada Ah Waxa Tiyaatarada La Saaray Sanadkii 1995 Isaga Aya Ah Filimka Tiyaatarada Waqtiga Ugu Badnaa Saarna Isagoo Muddo 1009 Todobaad Uu Saarna Tiyaatarada India.

1 Comment

  1. Mughal azim 1861 ayuu ahaa waana midja hindi ugu weyn bahubali xita wuu ka sareya hadii sicirka lagu jaangooyo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*