Maqaal 2018 sanad Bollywood-ka macaash guranayaan: 5-bilood, 10-guul iyo 1000 Crore

Inaba caadi ma ahan 2018 waa sanad Bollywood-ka macaash waali ah guranayaan waana sanad marnaba aysan fanka Hindiya hilmaami doonin waxaana dib u bilaawday xiligii barwaaqada ee fanka Hindiya caan ku ahaayeen inta aan qarnigaan 21-aad lasoo galin.

Haddaba 2018 waa sanad cajiib badan madaama 5-bilood gudaheeda Bollywood-ka heleen 10-filim oo guulo waa weyn gaareen sidoo kalena ganacsi 1000 Crore sare u dhaafayo oo nadiif ah filimadaas sameeyeen.

Weliba waxaa xusid mudan in 5-ta bilood ugu horeyso ee Bollywood-ka barwaaqada dhexda kaga jiraan in Sedexda Khans iyo Hrithik Roshan wax filim ah usoo bixin taasi oo muujineyso in fanka socon karo Khans -ka oo maqan!

Veere Di Wedding ayaa noqday mashruuc kale oo gaaro guushii ugu dambeesay Bollywood-ka ku naaloonayaan wuxuuna ku daah furay guushan bisha 6-aad ee sanadkaan oo weliba ah bil siweyn loogu tashanaayo madaama labada filim waa weyn Race 3 (15 June) iyo Sanju (29 June) bishan la daawan doono.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee guulaha waa weyn sanadkan gaareen sidoo kalena hadal heynta heestaan 5-ta bilood ee ugu horeesay:

25 Jan 2018: Padmaavat (Blockbuster) – 284.17 Crore

09 Feb 2018: Pad Man (Average/Semi Hit) – 78.22 Crore

23 Feb 2018: Sonu Ke Titu Ki Sweety (Super Hit/Blockbuster) – 100.80 Crore

16 Mar 2018: Raid (Hit) – 98.02 Crore

23 Mar 2018: Hichki (Hit) – 46.18 Crore

30 Mar 2018: Baaghi 2 (Blockbuster) – 160.74 Crore

4 May 2018: 102 Not Out (Average/Semi Hit) – 50 Crore ayuu ganacsigiisa ku istaagi doonaa

11 May 2018: Raazi (Super Hit/Blockbuster) – 120 Crore ayuu ganacsigiisa ku istaagi doonaa

25 May 2018: Parmanu (Average/Semi Hit) – 50 Crore ilaa 55 Crore inta u dhaxeyso ayuu ku istaagi doonaa.

1 June Veere Di Wedding (Hit/Super Hit) – 54 Crore ayuu todobaadkiisa kowaad keeni doonaa.

F.G: Lacagaha aan soo xiganay waa mida keedka shabakada Boxoffice India ku diiwan gashan sidoo kalena filimada qaar natiijadooda waa la hubaa halka qaar kalena weli natiijo rasmi ah shabakada BOI aysan siinin.

Sidoo kale Varun Dhawan filimkiisa October waxay u badan tahay inuu noqon doono mashruuc guul dareestay balse aan Flop aheyn ee wuxuu noqon doonaa Below Average xitaa waa macquul inuu Average noqdo haddii saami ahaan laga helo 20 Crore walow ganacsigiisa ugu dambeeyo Update ahaan aan Boxoffice India ka sugeyno.

1 Comment

Comments are closed.