Dhamaadkii sanadkii hore ee 2019ka gaar ahaan dabayaaqadii bishii December waxaa soo baxay filimka hadalheynta ugu weyn sanadkii hore lahaa ee Dabangg 3 kaasoo miisaaniyad weyn xambaarsanaa sidoo kalana ahaa qeybtii 3aad ee mashruuca hirgalay Dabangg.

Sidoo kale bilowgii sanadkaan 2020ka 10kii Janaayo waxaa tiyaatarada la saaray filimka weyn ee Chhapaak kaasoo ay hogaamineyso atariishada awooda badan ee Deepika Padukone.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa labadaan filim iyo waxyaabaha ay wadaagaan halkaan hoose kaga bogo.

1- Labada filim waxaa kala hogaaminayo atooraha iyo atariishada ugu awooda badan Bollywoodka waqti xaadirkaan la joogo Salman Khan iyo Deepika Padukone.

2- Labada filim waxay xambaarsan yihiin miisaaniyad weyn ayadoo Dabangg3 lagu qarash gareeyay 178 crore halka Chhapaak asna lagu sameeyay 80 crore waana miisaaniyad culus in filim qarashkaas wato atariisho kaliya hogaamiso.

3- labada jilaa Deepika iyo Sallu filimadaan ayaga ayaa qarash gareeyeen misna qarashka ku baxay dhiibeen si faa’iidada iyaga u helaan balse fashil ayaa ku habsaday.

4- Labada filim waxaa hareeyeen mowjado iyo xaalad jahwareer misna saameyn ku yeeshay ganacsigooda.

D3 waxaa saameyn ku yeeshay banaanbixii India ka dhacay kaasoo kusoo aaday todobaadkii koowaad ee filimkaas tiyaatarada saarnaa wuxuuna siweyn saameyn ugu yeeshay banaanbaxaas in ganacsiga filimkaas.

Chhapaak asna waxaa saameyn ku yeeshay in Deepika booqasho ku tagtay jaamacad ay dhigtaan arday muslimiin ah kuwaasoo dowlada India nadaamkeeda kasoo horjeedo waxaana ku kacay Deepika xizbiga awooda badan ee talada wadankaas gacanta ku haayo misna Hinduuga ah iyo Hinduuga cunsuriyiinta ah misna taageero xizbiga talada haayo taasoona sabab u noqotay in ganacsiga filimka Chhapaak curyaamiso.

5- Labada filim waxaa la dhaliilay qaabka fariintooda loo dhigay waxaana eedaas iska leh Directarada filimadaan sameeyeen oo kala ah Prabhu Deva oo Dabangg 3 sameeyay iyo Meghna Gulzar oo Chhapaak sameysay waxayna labadaan filim sameeye ku fashilmeen in fariinta filimkaan sifiican u dhigaan misna xiiso u yeelaan taasoo qeyb ka noqotay fashilka filimadaan.

6- labada filimka waxaa siweyn loogu kalsoonaa in Box Officeka wacdaro ka dhigi doonaan gaar ahaan Dabangg 3 halka Chhapaak asna lagu kalsoonaa in bandhiga Deepika iyo fariinta filimkaan guushiisa damaanad qaadi doonaan balse midaas ma dhicin.

7- Ugu dambeyn labada filimka Box Officeka wey ku fashilmeen waayo Dabangg 3 waa Flop ama Below Average waana filim guul dareystay halka Chhapaak uuba yahay Big Flop.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here