Home » Box Office » Maqaal: 7-filim oo xambaarsan miisaaniyad 1100 Crore ilaa 1200 Crore ayaa isku dhagan inta u dhaxeyso Nov-Dec 2018

Maqaal: 7-filim oo xambaarsan miisaaniyad 1100 Crore ilaa 1200 Crore ayaa isku dhagan inta u dhaxeyso Nov-Dec 2018

Waxaa la guda galay 5-bilood ee ugu dambeesay sanadkan 2018 balse culeeska wuu sii batay kadib markii lagu dhawaaqay filimka weyn 2.0 ee Rajinikanth iyo Akshay Kumar hogaamiye ka yihiin in la daawan doono 29 Nov 2018.

Sidaa darteed shabakada Koimoi ayaa soo daabacday maqaal ay kaga hadleyso 7-filim oo waa weyn kuwaas oo la daawan doono November ilaa December 2018 ama labo bilood gudahooda sidoo kalena miisaaniyaad ahaan xambaarsan 1100 Crore ($166M) ilaa 1200 Crore ($182M).

Waxaa la rajeynaa 7-daas filim in ganacsi ahaan ay sameyn karaan 1500 Crore ($227M) waa sida ay aragti ahaan qabaan dadka arimaha Boxoffice-ka ka faaloodaan.

Laakiin suura gal ma ahan 60-maalmood gudaheeda 7-filim oo la saarayo in ganacsi 1500 Crore ah sameeyaan madaama ganacsigooda iyaga caqabad isku noqon doonaan.

60-maalmood gudaheeda haddii 7-filim la saarayo tiyaatarada waxay ka dhigan tahay 8-maalmood iyo bar kasto in filim weyn masraxa la saarayo waana culees kale oo hor leh.

Fadlan hoos kaga bogo 7-filim ee waa weyn kuwaas oo miisaaniyad 1100 Crore ilaa 1200 Crore xambaarsan lana daawan doono 60-maalmood gudaheeda ama Nov ilaa Dec 2018:

7 Nov 2018: Thugs of Hindostan wuxuu xambaarsan yahay 250 crore miisaaniyad ah qiyaas ahaan.

23 Nov 2018: Student of The Year 2 wuxuu xambaarsan yahay 60 crore miisaaniyad ah qiyaas ahaan.

30 Nov 2018: Kedarnath wuxuu xambaarsan yahay 80 crore miisaaniyad ah qiyaas ahaan.

29 Nov 2018: 2.0 wuxuu xambaarsan yahay 350 crore miisaaniyad ah qiyaas ahaan.

7 Dec 2018: Total Dhamaal wuxuu xambaarsan yahay 100 crore miisaaniyad ah qiyaas ahaan.

21 Dec 2018: Zero wuxuu xambaarsan yahay 200 crore miisaaniyad ah qiyaas ahaan.

28 Dec 2018: Simmba wuxuu xambaarsan yahay 80 crore miisaaniyad ah qiyaas ahaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *