Xidiga caanka ah ee laga daba dhacay Bobby Deol sanadkii hore ayuu saaxada si adag ugu soo laabtay kadib markii afar sano uu hawada ka maqnaa waxaana haatan u suura gashay mudo 8-sano iyo 7-filim kadib ugu dambeyntii filim HIT dhameestiran noqday inuu helo waxaana abaarta HIT la’aanta ka saaray filimka Housefull 4 oo HIT dhameestiran noqday welina tiyaatarada saaran.

Bobby Deol filimkiisii ugu dambeeyay ee HIT noqdo wuxuu ahaa mashruucii shactirada badnaa Yamla Pagla Deewana ee 14 Jan 2011 la daawaday waxaana la jileen aabihiis Dharmendra iyo walaalkiis ka weyn Sunny Deol wixii markaas ka dambeeyay Bobby wax filim ah HIT uma noqonin laakiin Housefull 4 ayaa haatan culeeska ka dajiyay.

Yamla Pagla Deewana kadib aflaanta Bobby Deol uu sameeyay fadlan hoos kaga bogo adigoo ogaan kartid xidigan mudo dheer kadib culeeska ka dagay soo laabasho wanaagsana sameenayo:

1. Thank You (2011) – Flop

2. Players (2012) – Disaster

3. Yamla Pagla Deewana 2 (2013) – Flop

4. Poster Boys (2017) – Flop

5. Race 3 (2018) – Average

6. Yamla Pagla Deewana Phir Se (2018) – Flop

7. Housefull 4 (2019) – HIT/SuperHIT

Waxaa kaloo xusid mudan in Housefull 4 yahay Bobby filimkiisa 6-aad ee HIT dhameestiran u noqdo waayihiisa fanka oo ku xeen daaban mudo 24-sano ah. Fadlan hoos kaga bogo 6-filim Bobby HIT dhameestiran u noqdeen:

1. Barsaat (1995) – Super HIT

2. Gupt (1997) – HIT

3. Soldier (1998) – Super HIT

4. Badal (2000) – HIT

5. Yamla Pagla Deewana (2011) – HIT

6. Housefull 4 (2019) – HIT/SuperHIT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here