Home » . » Maqaal: 9-xidig oo kaliya ayay Bollywood-ka xiligaan heestaan sida shabakada Boxoffice maanta cadeesay

Maqaal: 9-xidig oo kaliya ayay Bollywood-ka xiligaan heestaan sida shabakada Boxoffice maanta cadeesay

Hordhac:

Shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday maqaal guud oo ay ku cadeesay in xiligaan Bollywood-ka heestaan 9-xidig oo ragga ah kuwaas oo filimada gadi karaan.

Boxoffice India maqaalkeeda wuxuu wataa ciwaanka ah Loolanka xidignimo ee ka dhaxeeyo 9-ka xidig ee ragga ah (The Stardom Race – Nine Male Stars Today).

Fadlan hoos kaga bogo maqaalkaan oo shabakada Filimside afkaaga hooyo kuugu turjuntay:

Dhowr todobaadka hor waxaan sida ay maanta dhalinta Hindiya u kala darajo sareeyaan ayay maqaal idin kula wadaagnay ayadoo lagu saleeeyay ganacsiga ay filimadooda sameeyeen 5-ta sano ee ugu dambeesay cel celis ahaan sidaay u kala lacag badan yihiin.

Hadaba maantana waxaan taxliilin doonaa isla maqaalkaas mid la mid ah oo lagu dabaqay 9-ka xidig ee ragga ah kuwaas oo maanta fanka Hindiya awood yar ama awood weyn ku leh filimna gadi karaan.

Waa hubaal in 9-kaan xidig mustaqbalka ay kala darajo fiicnaan doonaan madaama kuwo hada wada fiican ku socdaan kuwana wado qaldaan ku socdaan doorashada sameynta filimada iyo ganacsiyadooda ayaa lagu kala hari doonaa.

Fadlan hoos kaga bogo 5-ta sano ee ugu dambeesay 9-ka xidig ee awooda ku leh fanka Hindiya filimada ay sameeyeen cel celis laga sameeyay (Average) lacagaha ay soo xareeyeen:

Aamir Khan – 1064 crore / 4 films –  Avg 266 crore

Salman Khan – 1581 crore / 8 films – Avg 197.63 crore

Shahrukh Khan – 903 crore / 6 films – Avg 150.50 crore

Hrithik Roshan – 577 / 5 films – Avg 115.40 crore

Ranbir Kapoor – 591 crore / 7 films – Avg 84.43 crore

Akshay Kumar – 1587 crore / 19 films – Avg 83.53 crore

Varun Dhawan – 665 crore / 8 films – Avg 83.13 crore

Ranveer Singh – 563 crore / 7 films – Avg 80.43 crore

Ajay Devgn – 654 crore / 9 films – Avg 72.67 crore

Kala saarida sare ku xusan maxay tahay cilada ay leedahay:

dhibka ugu weyn ee kala saarida sare ka jirto ayaa ah in cel celiska (Average) uusan shaqeynin waayo atoorayaasha isku tiro aflaan ah ma sameynin mudadaas 5-ta sano ah.

Hadii aad xasuusatiin maqaalkii dhalinta sababta cel celiska lacagaha loogu saleeyay wuxuu ahaa inay iska ag dhawaayeen halkii sano filimada ay sameeyaan madaama badankooda labo filim sanadkii ay la imaadaan.

Sidaa darteed dhibka shaxda sare ka jiro waxay tahay in 9-ka xidig ee sare ku xusan aflaan isku dhow tiro ahaan 5-ta sano gudaheeda sameynin, tusaale ahaan Akshay Kumar 19-filim ayuu 5-sano gudaheeda ku sameeyay halka Aamir Khan uu 4-filim ku sameeyay isla mudadaas marka cel celis-ka lacagaha aflaantooda sawirka saxda ah lagama qaadan karo sida Boxoffice-ka loogu kala awood badan yahay.

Maxaa lagu kala saari karaa awooda 9-ka xidig oo maangal ah:

Xisaabta ugu macquulsan sidoo kalena maangalka ah ee lagu kala saari karo awooda atoorayaasha ayaa ah in la sameeyo mudada 5-ta sano ah atooraha aflaanta ugu badan sameeyay tiradiisa inay noqoto mida loo qeybinaayo atoore kasto aflaanta uu sameeyay mudadaas 5-ta sano ah.

Talaabada kowaad Akshay Kumar ayaa ah atooraha aflaanta ugu badan sameeyay 19-filim sidaa darteed tiradiisa ayaa aas aas u noqoneyso qeybiska guud atoore walbo aflaanta uu sameeyay mudada 5-ta sano ah.

tusaale ahaan Salman Khan wuxuu sameeyay 8-filim mudada 5-ta sano ah waxaa loo qeybinaa 19-ka filim ee Akshay sameeyay madaama uu isaga yahay atooraha tirada ugu badan mudadaas sameeyay (19/8=2.375

Talaabada labaad kadib 2.375 waxaa lagu daraa tirada aflaanta Salman sameeyay ee 8-filim ah waxayna wadarta noqoneysaa 10.375.

Talabaada sedexaad kadib 10.375 waxaa loo qeybinaa lacagaha guud ay soo xareeyeen 8-filim oo sameeyay mudada 5-ta sano ah (1581 Crore) taasi oo ka dhigan 1581/10.375 = 152.38 Crore.

Sidaa darteed cel celiska nidaamka sare loo sameeyay ayaa sawirka saxda ah laga qaadan karaa sidoo kalena noqon karto habka u macquulsan ama maangalka ah ee awooda atoorayaasha lagu kala saari karo.

Xisaab kala saaridan wanaagsan waxay aad ugu soo bixi laheyd hadii la adeegsan lahaa sedex sano gudaheeda inta filim oo ay atoorayaashaan sameeyeen laakiin Aamir Khan ayaa meesha ka baxaayo madaama hal filim xisaabta usoo galaayo hadii sedex sano cabir ah la qaato.

Laakiin marka uu Thugs Of Hinduston sanadka dambe sameeyo Aamir Khan markaas xisaabta kala saarida sedex sano waa lagu dabaqi karaa.

Fadlan hoos kaga bogo habka labaad ee kala saarida awooda atoorayaasha ayadoo la raacayo nidaamka xisaabta maangalka ah taasi oo lagu saleeyay atooraha filimada ugu badan sameeyay mudada 5-ta sano ah tiradiisa laga dhigo aas aaska loo qeybinaayo atoore kasto inta filim ee uu sameeyay waxaana la raacay sedexda talaabo ee aan nidaamkaan ku sharaxnay sarena ku xusan:

  1. Salman Khan – 152.38 crore
  1. Aamir Khan – 121.60 crore
  1. Shahrukh Khan – 98.59 crore
  1. Akshay Kumar 83.52 crore
  1. Hrithik Roshan – 71.41 crore
  1. Varun Dhawan – 64.10 crore
  1. Ranbir Kapoor – 60.87 crore
  1. Ajay Devgn – 58.87 crore
  1. Ranveer Singh – 57.98 crore

Shaxda sare maxay inoo sahahay inaan fahano:

Ayadoo la adeegsanin sedexda sano xisaabta ah oo aan hada adeegsanay 5-ta sano xisaabta ku saleesan waxaa inoo soo baxday in Akshay Kumar wada saxda ah ku socdo mar dhowna uu booska labaad awoodaha gaari doono.

Laakiin waa hadii Aamir Khan uusan filim labaad keenin labada sano ee soo socoto waayo hal wuu u diyaarsan yahay waa Thugs of Hinduston hadii mid kale uusan la imaanin nidaamkan wuxuu u sahli doonaa Akshay Kumar inuu awoodiisa ku dhaafo Aamir Khan madaama sanadkii labo filim ama sedex filim uu la imaanayo.

Hrithik Roshan ayaa ah dhibanaha ugu weyn haatana awoodiisa ay dhaawac u geesteen Mohenjo Daro iyo Kaabil, kuwaas oo ganacsi adag sameynin sidoo kalena isagana ma aflaan badno marka xaalad halis ah ayuu ku sugan yahay.

Hrithik Roshan filimkiisa xiga waa midka ugu muhiimsan waayihiisa fanka sidoo kalena waa inuu noqdaa filim weyn oo si waali ah u gadmo waayo isaga loogama baranin sanadkii labo ama sedex filim inuu sameeyo.

Salman Khan iyo Shah Rukh Khan booskooda awood ahaaneed si wacan ayay usii ceshan karaan inkastoo filimadoodii ugu dambeeyeen Tubelight iyo Jab Harry Met Sejal ay guul dareesteen.

Waayo ma jiro jilaa dhalin yar oo hada halis ku noqon karo iyaga midkii ugu macquulsanaa Ranbir Kapoor isagana filimka Jagga Jasoos sidoo kalena xiliga xun ee uu bartanka kaga jiro ayaa sababtay inuu dhaafo asaagisa Varun Dhawan!

Ranveer Singh waa midka ugu nugul dhamanan ragga wax dadka ka gadi karaan xitaa weli ma uusan sameynin door maanta dadka oo dhan ku aqbali karaan.

Sedexdiisa filim ee guulaha wacan gaareen Gunday, Ram Leela or Bajirao Mastani waa kuwo taariikh ama xili mucawin ah ku saabsan kana gobolo gaar ah sida Gujarat iyo Maharashtra oo kale.

Sidaa darteed waa atoore la aqoonsan yahay laakiin waxa ka maqan siyaasada uu ku noqon lahaa mid Hindiya dhan laga aqoonsan yahay aflaantiisana ku gadmi karaan.

Midaas wuxuu ku heli karaa inuu sameeyo aflaan dadka oo dhan wada aqbali karaan laakiin hada talabaad mid qaadayo uma eko wuxuuna ku mashquulsan yahay aflaan taariikhi oo gobol gaar ah sheeko ahaan quseyso mana ahan wax macquul ah in marwalbo uu sameeyo filimo noocaas ah si awoodiisa usii jirto!