Madaama Sunny Deol wiilkiisa Karan Deol u maal galiyay filimkiisa kowaad waxaan idiin heynaa aabayaasha caanka ah ee wiilashooda filimkooda kowaad u maal galiyeen.

Karan Deol, Pal Pal Dil Ke Paas waa filim guul dareestay oo 9 Crore cimri ahaantiisa dhaafi doonin.

Mustafa, Machine (2017) wuxuu keenay 3 Crore lacag ah waa Disaster waxaa Mustafa aabo u ah filim sameeye Abbas waxaana filimkiisa kowaad u sameeyeen aabihiis iyo adeerkiis Abbas-Mastan.

Harman Baweja, Love Story 2050 bur bur taariikhi ah ayaa ku dhacay filimkan 2008 soo baxay madaama 50 Crore ka badan lagu sameeyay wuxuuna keenay 11 Crore waxaana sameeyau filim sameeye Harry Baweja oo wiilkiisa Herman Baweja kusoo caan bixinaayay.

Hrithik Roshan, Kaho Naa… Pyaar Hai (2000) 45 Crore ka badan ayuu keenay waa Blockbuster weyn sidoo kalena filim sameeye Rakesh Roshan wiilkiisa Hrithik kusoo caan bixiyay.

Fardeen Khan, Prem Aggan (1998) 4 Crore ayuu keenay waa Flop waxaana Director iyo soo saare ka ahaa Feroz Khan oo wiilkiisa inuu soo caan bixiyo fagta kowaad ku fashilmay.

Akshaye Khanna, Himalay Putra (1997) 4 Crore ayuu keenay wuxuuna noqday Flop sidoo kalena Vinod Khanna ayaa filimkan wiilkiisa u maal galiyay.

Bobby Deol, Barsaat (1995) 20 Crore ayuu keenay waa Super Hit weyn waxaana maal galiyay Dharmendra oo wiilkiisa guul weyn gaarsiiyay fagta kowaad.

Sunny Deol, Betaab (1983) wuxuu keenay 10 Crore ku dhawaad waa Blockbuster taariikhi ah waxaana maal galiyay Dharmendra oo wiilkiisa garab weyn siiyay.

Kumar Gaurav, Love Story (1981) 10 Crore ku dhawaad ayuu keenay waa Blockbuster taariikhi ah weliba Rajendra Kumar wiilkiisa filimkiisa kowaad wuu u maal galiyay wuuna la jilay.

Sanjay Dutt, Rocky (1981) 5 Crore ku dhawaad ayuu keenay waa filim guuleestay oo Semi Hit ah weliba Sunil Dutt filimkan Director, soo saare iyo muuqaal ayuu ku yeeshay si uu wiilkiisa dadka kaga gado wuuna ku guuleestay.

Rishi Kapoor, Bobby (1975) ku dhawaad 15 Crore ayuu keenay waa All Time Blockbuster oo 5-sano ka badan tiyaatarada saarnaa waxaana Director iyo soo saare ka ahaa Raj Kapoor oo wiilkiisa Rishi u hagar baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here