Superstar Ajay Devgn wuxuu u dabaal dagayaa guusha lixaada leh filimkiisa Tanhaji gaaray kaasi oo tiyaatarada saaran kuna dhawaaqday shabakada BOI filimkan HIT inuu yahay mashruuc macaash laga helay waxayna kaga dhigan tahay Devgn mudada 30-ka sano uu fanka Hindiya ku jiro inuu sameeyay 25-filim HIT dhameestiran noqdeen.

Ajay Devgn wuxuu noqday atooraha 4-aad ee 30-ka sano ugu dambeesay Bollywood-ka ragga soo galeen ee 25-filim iyo ka badan HIT dhameestiran u noqdaan waxayna darajadan kaga horeeyeen Akshay Kumar, Salman Khan iyo Shah Rukh Khan.

Ajay Devgn 25-ka filim HIT dhameestiran u noqdeen ee macaash laga helay kuna gaaray darajo sare sidoo kalena uu ku diidan tahay inuu Akshay, Sallu, SRK ka haro hoos kaga bogo:

1. Phool Aur Kaante (1991) – Super HIT

2. Jiger (1992) – HIT

3. Dilwale (1994) – Super HIT

4. Vijaypath (1994) – HIT

5. Suhaag (1994) – HIT

6. Jaan (1996) – HIT

7. Ishq (1997) – Super HIT

8. Pyaar To Hona Hi Tha (1998) – Super HIT

9. Kachche Dhaage (1999) – HIT

10. Hum Dil De Chuke Sanam (1999) – HIT

11. Bhoot (2003) – HIT

12. Masti (2004) – HIT

13. Golmaal (2006) – HIT

14. Golmaal Returns (2008) – HIT

15. Raajneeti (2010) – Super HIT

16. Once Upon A Time in Mumbai (2010) – HIT

17. Golmaal 3 (2010) – Blockbuster

18. Singham (2011) – Super HIT

19. Bol Bachchan (2012) – HIT

20. Son Of Sardar (2012) – HIT

21. Singham Returns (2014) – Super HIT

22. Golmaal Again (2017) – Blockbuster

23. Raid (2018) – HIT

24. Total Dhamaal (2019) – HIT/SuperHIT

25. Tanhaji (2020) – HIT/SuperHIT.

Atoorayaasha 30-ka Sano Ugu Dambeeyeen Fanka Kusoo Biireen 25-HIT Darajo Ahaan Gaareen:

1. Akshay Kumar – 32-filim HIT dhameestiran noqdeen, filimkiisa ugu dambeeyay HIT u noqday wuxuu ahaa Good Newwz oo wel tiyaatarada saaran

2. Salman Khan -28-filim HIT dhameesiran u noqdeen, filimkiisa ugu dambeeyay HIT dhameestiran u noqday wuxuu ahaa Tiger Zinda Hai oo 2017 la daawaday.

3. Shah Ruk Khan – 27-filim HIT dhameestiran u noqdeen, filimkiisa ugu dambeeyay HIT dhameestiran u noqdo wuxuu ahaa Happy New Year oo 2014 la daawaday.

4. Ajay Devgn – 25-filim HIT dhameestiran u noqdeen, filimkiisa ugu dambeeyay ee HIT dhameestiran u noqday waa Tanhaji oo haatan tiyaatarada saaran.

F.G: HIT dhameestiran waxaa laga wadaa marka filim macaash laga helo darajo ahaana gaaro HIT, Super HIT, Blockbuster ama All Time Blockbuster.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here