superstar Akshay Kumar markaan wuxuu galay marxaladii uu hogaanka iyo awooda Bollywood-ka kula wareegi lahaa wuxuuna si geesinimo ku dheehan u calaameestay dhamaan sedexda feesto ugu muhiimsan Bollywood-ka sanadka dambe 2020 waana awood muuqato in halyeegan seeftiisa galka kala baxay.

Sanadkan 2019 Kumar waxaa Big Hits u noqdeen filimada Kesari iyo Mission Mangal sidoo kalena Diwali 2019 ama feestada Diwali oo ku beegsan 25 October waxaa usoo baxaayo filimka weyn Housefull 4 halka sanadka uu kusoo qatimi doono Good News oo tiyaatarada la saarayo 27 Dec 2019.

Akshay Kumar 2020 wuxuu ku bilaaban doonaa mashruucan weyn Sooryavanshi ee Rohit Shetty Director ka yahay lana jileyso Katrina lana daawan doono 27 Maarso 2020 waxaana soo saare ka ah filimkan weyn Karan Johay.

Intaas aan idinla wadaagnay oo dhan waa dhoola tus iyo hordhac balse haatan aan idinla wadaagno xaiiqada jirto ee ah in Kumar yahay haatan awooda kaliya ee Bollywood-ka ka jirto waayo Eid 2020, Diwali 2020 iyo Christmas 2020 sedex filim oo waa weyn ayuu la imaan doonaa.

Akshay Kumar filimkiisa Laxmi Bomb waxaa la daawan doonaa Eid 2020 oo ku beegan 23 May 2020 waana filim cabsi iyo shactiro isku jiro ah waxaana la jileyso Kaira Advani.

Sidoo kale Kumar wuxuu haatan calaameestay feestada Diwali 2020 wuxuuna la imaan doonaa filimka weyn ee taariikhiga ah Prithviraj waxaana maal galineyso shirkada Hindiya ugu weyn Yash Raj Films.

Kumar oo awoodiisa aan loo dhawaan karin wuxuu 2020 kusoo qatimi doonaa filimka Action-ka iyo mada daalada dhameestiran ah Bachchan Pandey ee Sajid Nadiadwala soo saare ka yahay lana daawan doono Christmas 2020.

Akshay Kumar waa talaabsaday ee wadada haloo baneeyo sidoo kalena waxaan leenahay dhalasho wacan madaama uu maanta sanad guuradiisa 52-aad u dabaal dagayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here