hopusefull 4 poster, see Latest

Ugu dambeyntii Superstar Akshay Kumar ayaa ku biiray liiska atoorayaasha u suura gashay in filimkooda 100 Crore macaash ah ama saami ah ka helaan qolyaha cajaladaha qeybiyaan waana darajo dhib badan oo atoore kaste ama filim kaste gaari karin. Akshay darajadan wuxuu ku gaaray filimkiisii Housefull 4 oo sanadkii hore 100 Crore macaash ah laga helay.

Megastar Salman ayaa ah atoorihii ugu horeeyay ee filimkiisa 100 Crore saami ah qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka helaan wuxuuna darajadan gaaray sanadii 2012 kadib markii filimkiisii Ek Tha Tiger hanaankan bilaabay.

Fadlan hoos kaga bogo 9-ka atoore ee u suura gashay in mid walbo darajada 100 Crore macaash ah filimkiisa laga helo iyo sidoo kale tirada aflaanta ah atoore walbo 100 Crore saami ah filimadooda laga helay:

1. Salman Khan – 7 filim (Tiger Zinda Hai, Bajrangi Bhaijaan, Sultan, Kick, Ek Tha Tiger, Prem Ratan Dhan Payo, Bharat).

2. Aamir Khan – 3 filim (Dangal, Pk, Dhoom 3)

3. Ranveer Singh – 2 filim (Padmaavat, Simmba)

3. Ajay Devgn – 2 filim (Tanhaji The Unsung Warrior, Golmaal Again)

3. Shahid Kapoor – 2 filim (Padmaavat, Kabir Singh)

6. Ranbir, Hrithik, Tiger, Shahrukh, Akshay – 1 filim (Sanju), (War), (War), (Chennai Express), (Housefull 4).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here