Inta badan aflaanta masraxa saaran waxaa fariintooda taxliiliyaan kuwa aflaanta ka faaloodaan kadibna dhaliil ama amaan usoo jeediyaan balse kuwa aflaanta ka faaloodaan iyaga xitaa dhaliil xoogan ayaa dhawaanahan loo soo jeedinaa madaama qiimeynta aflaanta ku saleeyaan rabitaankooda gaarka ah ama danno gaar ah oo ay leeyihiin ku saleenayaan qiimeynta sheekada flimada.

Sidaa darteed shabakada Adda Today ayaa isku xil saartay inay toos u wareesato dadka tiyaatarka aflaanta ka daawadaan ee lacagtooda u huraan daawashada filimada in la weydiiyo filimka ay daawadaam samaantiisa iyo xumaantiisa waxaana daawadayaasha la siiyaa hal beeg ah 1 ilaa 10 dhibcood inay ku qiimeeyaan filimka ay daawadaan.

Fadlan hoos kaga bogo 7-filim ee sanadkan 2020 Bollywood-ka la imaadeen waana kuwa ugu saameynta badan ee tiro macquul ah daawadaan tiyaataro kala duwan kadibna argtidooda la weydiiyay inay qiimeeyaan mana ka dhigno in 7-filim Bollywood-ka sameeyeen sanadkan ee waa aflaanta u suura gashay in masraxa tiro macquul ah oo qiimeyn lagu saleyn karo daawadeen:

1. Tanhaji – The Unsung Warrior – 8.2/10

2. Chhapaak – 7/10

3. Street Dancer 3D – 7.2/10

4. Panga – 7.4/10

5. Jawaani Jaaneman – 6.9/10

6. Malang – 7.5/10

7. Shikara – 6.3/10

F.G: Filimka 5-dhibcood iyo ka hoose helo waa filim aragti ahaan dhanka daawadayaasha ka liito, sidoo kale kama dhigno filimka haddii daawadayaasha dhibco badan siiyaan ama ka helaan inuu guuleesanayo waayo guushiisa iyo guul daradiisa waxay ku xiran tahay daruufaha uu la kulmo waqti la daawanayo firaaqo inuu helo, xayeysiin balaaran loo sameeyo ama hogaamiyaal wax gadi karaan filimka ku tiirsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here