Home » Box Office » Maqaal: Aragtida daawadayaasha Hindiga ah iyo filimka TOH qiimeynta uu helay

Maqaal: Aragtida daawadayaasha Hindiga ah iyo filimka TOH qiimeynta uu helay

Filimka weyn Thugs Of Hindustan oo ay hogaamiyaal ka yihiin Amitabh Bachchan, Aamir Khan, Katrina Kaif iyo Fatima Sana Shaik shalay tiyaatarada la saaray (8 Nov 2018) wuxuuna la yimid bilaabasho taariikhi ah oo iskoor ah

TOH wuxuu noqday 2018 filimka ugu bilaabashada wanaagsan asigoo keenay 50 Crore qiyaasta xili hore waana filimka ugu horeeyay taariikhda fanka Hindiya ee luqada Af Hindiga ah ku keeno 50 Crore suda shabakada BOI cadeesay.

TOH dadkii daawadeen si waali ah ayay shalay ugu xoomeen gelinkii hore iyo gelinkii dambe ganacsigiisana wuu sii laba jibaarmay madaama shalay dadka oo dhan fasax qaran heesteen xili feestada Diwali laga soo dhamaaday inkastoo dadka filimada ka faaloodaan dhaliil xoogan sheekada filimkan usoo jeediyeen hadana daawadayaasha arinkaan dhag jalag uma siinin oo si waali ah ayay u aadeen tiyaatar walbo oo min tuulo ilaa magaalo ku yaalo.

Haddaba barnaajkeenii xiisaha lahaa kaasi oo ku saleesan aragtida daawadayaasha ama dadka tikit-ka u goostaan filimada inay qiimeyn ku sameeyaan Jimco kasto daawadaan ayaan sii amba qaadeynaa.

Barnaamijkan waxaa asal ahaan iska leh shabakada Adda Today oo isku hawshan inay gobolada ugu waa weyn Hindiya tagto sidoo kalena wareesato daawadayaasha tiyaatar-ka tikit u goostaan si aragtidooda u aruuriyaan.

Aragtida daawadayaasha waxaa loo yaqaan Word of Mouth ama hadal heynta dadka hadal heyntaas waxay noqon karaa mid wanaag ama xumaan ah.

Haddii daawadayaasha maalinta kowaad filimka daawadaan aragtidooda la aruuriyay u badato mid wanaag ah waxay sababeysaa dad badan oo marka hore ka baaqsadeen daawadayaasha inay usoo daawasho tagaan maal maha xiga.

Si la mid ah haddii daawadayaasha aragtidooda xumaan noqoto oo ay filimka sheekadiisa dhaliilaan waxay sababeysaa in mashruucaas dad badan usoo daawasho tagin meeshana ku fashilmo.

Aragtida Daawadayaasha Maxaa Lagu Cabiraa: Shabakada Adda Today waxay ku cabirtaa hal beeg 1 ilaa 10 u dhaxeeyso taasi oo lagu qiimeeyo hadba dadka sida ay filimka kaga helaan.

Filimka qiimeyntiisa haddii ay u badato 5-dhibcood ka hoose waxay ka dhigan tahay inuu yahay mashruuc daawadayaasha siweyn u diideen.

Filimka qiimeyntiisa haddii 8 dhibcood gaarto iyo ka sare waa filim daawadayaasha ka wada heleen oo ay siweyn u jeclaadeen.

Aragtidaan ama qiimeyntaan qayb kama ahan dadka filimada falanqeeyaan kaliya waxaa aragtidaan ka qayb qaataan ama filimada wax laga weydiiyaa dadka tiyaatarada tikit-ka u goosteen si xogtaan aysan dhinac ugu jan jeersan waayo filim falanqeeyayaasha haddii aragtidaan qayb laga dhigo waxaa macquul ah inay dhinac u bataan laakiin qofka caadiga ah aragtidiisa meelna uma badaneyso wuxuu ku saleynaa waxa uu daawaday inuu ka helay ama uusan ka helin.

Filimka TOH Dadkii Daawadeen Iyo Qiimeynta Ay Siiyeen:

Gobolo kala duwan magaalooyinka waa weyn ee ku yaalo ayay Adda Today booqatay tiyaataradooda waxayna wareesatay dadkii daawadeen filimka Sanju sida ay u arkaan.

TOH dadkii daawadeen ee tikit u goosteen kuna nool gobolo kala duwan aragtidooda qiimeyn ahaan marka la aruuriyay wuxuu helay filimkaan 5.5-dhibcood.

Sidaa darteed TOH kuwii daawadeen badankooda waxay isku raaceen inuu yahay filim aan fariin ahaan wanaagsaneyn oo aan lagu cesh ceshan karin balse mar kaliya la daawan karo.

Taasina waxay culees ku keeni kartaa filimka TOH inuu ganacsi aad u badan sameeyo cimri ahaantiisa marka uu ka baxo sedexda maalmood ugu horeyso waxaa qasab ah mashruucaan inuu hoos u dhac sameeyo laga bilaabo Isniintiisa kowaad ama afar maalmood kadib marka uu ganacsi weyn sameeyo inuu hoos u dhac adag wajaho.

Aragtida Daawadayaasha Iyo Qiimeynta Ay Ka Heleen Filimka Sanadkaan 2018 La Daawaday Sida Ay Waqti Ahaan Usoo Kala Horeeyeen Tiyaatarada Loo Saaray:

1. Kaalakaandi 5-dhibcood (4.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha saxda ah)

2. 1921 5-dhibcood 5-dhibcood (5.2-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

3. Mukkabaaz 7-dhibcood (7.4-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

4. Padmaavat 8-dhibcood (7.8-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

5. Padman 8-dhibcood (8.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

6. Aiyaary 6-dhibcood (5.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

7. Sonu Ke Titu Ki Sweety 8-dhibcood (7.9-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

8. Pari 6-dhibcood (5.8-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

9. Hate Story 4 5-dhibcood (5.3-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

10. Raid 8-dhibcood (7.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

11. Hichki 8-dhibcood (7.6-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

12. Baaghi 2 7-dhibcood (7.0-dhibcood)

13. Blackmail 6-dhibcood (6.2-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

14. October 6-dhibcood (6.3-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

15. 102 Not Out 8-dhibcood (7.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

16. Raazi 8-dhibcood (8.1-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

17. Parmanu 8-dhibcood (8.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

18. Veere Di Wedding 6-dhibcood (6.4-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

19. Race 3 6-dhibcood (5.5-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

20. Sanju 8-dhibcood (8.2-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

21. Soorma 8-dhibcood (7.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

22. Dhadak 7-dhibcood (6.5-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

23. Saheb Biwi Aur Gangester 3 5-dhibcood (4.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

24. Fanney Khan 6-dhibcood (5.6-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

25. Mulk 7-dhibcood (7.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

26. Karwaan 7-dhibcood (7.2-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

27. Gold 8-dhibcood (8.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

28. Satyameva Jayate 8-dhibcood (7.5-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

29. Happy Phirr Bhag Jayegi 5-dhibcood (5.3-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

30. Genius 5-dhibcood (5.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

31. Stree 8-dhibcood (7.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

32. Yamla Pagla Deewana Phir Se 5-dhibcood (4.9-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

33. Paltan 6-dhibcood (6.3-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

34. Laila Majnu 6-dhibcood (5.9-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

35. Manmarziyan 7-dhibcood (6.5-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

36. Mitron 7-dhibcood (6.6-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

37. Love Sonia 7-dhibcood (6.6-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

38. Batti Gul Meter Chalu 7-dhibcood (6.5-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

39. Sui Dhaaga 7-dhibcood (7.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

40. Pataakha 7-dhibcood (7.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

41. Village Rockstars 9-dhibcood (8.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha) waa filimka Hindiya u doorteen Oscar-ka inuu u matalo qaybta Best Foreign Language Category (Filimada Afka qalaad lagu daawaday midkiisa ugu wanaagsan micnaha aan Af Ingiriis lagu sameynin oo luqad kale lagu sameeyay).

42. Andhadhun 8-dhibcood (8.1-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

43. LoveYatri 6-dhibcood (6.2-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

44. Helicopter Eela 6-dhibcood (6.2-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

45. Jalebi 6-dhibcood (6.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

46. Tumbbad 8-dhibcood (7.5-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

47. FryDay 7-dhibcood (6.6-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

48. Badhaai Ho 8-dhibcood (7.9-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

49. Namaste England 5-dhibcood (4.8-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

50. Baazaar 7-dhibcood (7.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

51. Thugs Of Hindustan 6-dhibcood (5.5-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

F.G: Lambarada sida filimada loo siiyay waa sida ay usoo kala hor baxeen ama loo kala hor daawaday sanadkaan ee ma ahan sida ay daawadayaasha u kala jecel yihiin daawashada filimadaan.

Sidoo kalena filimka 7.7-dhibcood helo waa la buuxiyaa jajabka ka harsan si xisaab dhameestiran qiimeyn ahaan loo siiyo waxaana loo diiwan galinaa 8-dhibcood.

Waa Kuwee Filimada Ugu Qiimeynta Wanaagsan Ee Daawadayaasha Ka Heleen: Filimka dhibco 8-dhibcood gaarayo helo ama ka badan helo ayaa ka mid noqon karo kuwa ugu sheekada wanaagsan ee daawadayaasha gobolada kala duwan ka heleen.

Sanju ayaa ahaa filimka ugu fariinta wanaagsan dhamaan aflaanta 2018 daawadayaasha tikit u goosteen mudo afar bil ayuu yahay mana soo bixin filim Sanju ka sheeko wanaagsan aflaanta waa weyn ee 2018 dawadayaal badan u daawasho tageen.

Fadlan hoos kaga bogo filimada sida gaar ah aan usoo xulnay ee ah kuwa sanadkaan soo dhaweynta ugu wanaagsan ka heleen daawadayaasha tikit-ka tiyaatarka u goostaan:

1. Sanju 8-dhibcood (8.2-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

2. Raazi 8-dhibcood (8.1-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

3. Andhadhun 8-dhibcood (8.1-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

4. Padman 8-dhibcood (8.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

5. Parmanu 8-dhibcood (8.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

6. Gold 8-dhibcood (8.0-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

7. Sonu Ke Titu Ki Sweety 8-dhibcood (7.9-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

8. Badhaai Ho 8-dhibcood (7.9-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

9. Padmaavat 8-dhibcood (7.8-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

10. Raid 8-dhibcood (7.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

=10. 102 Not Out 8-dhibcood (7.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

=10. Stree 8-dhibcood (7.7-dhibcood aragtida qiimeynta daawadayaasha)

Gunaanad: Farqi ayaa u dhaxeeyo ka helista filimka daawadayaashiisa iyo ganacsiga uu sameyn karo inuu Flop noqdo ama Hit noqdo.

Tusaale ahaan Baaghi 2 sheekadiisa dadka wey ka heleen qiimeyn 7-dhibcood ah ayaa la siiyay wuxuuna gaaray 160 Crore waxaa ugu wacan asigoo la jeclaaday ayuu haddana heestay tiyaataro ku filan iyo firaaqo wacan.

Tusaale kale Hichki sheeko ahaan Baaghi 2 wuu ka wanaagsan yahay sida daawadayaasha kaga heleen laakiin fariintiisa oo xadidan, tiyaatarada la saaray oo xadidan iyo firaaqadiisa oo yareyd waxay ka dhigan tahay kaliya dadka loogu tala galay inay ka heleen balse ganacsi ahaan uusan Baaghi 2 gaari karin.

Sidaa darteed filim walbo dadka loogu tala galay haddii ay soo dhaweeyaan wuu gadmi karaa laakiin filim fariintiisa Hindiya dhan loogu tala galay haddii uu soo dhaweyn daawadayaasha ka helo cid celin karto malahan.

Mahad Sanidiin Saaxiibayaal.

4 Responses to Maqaal: Aragtida daawadayaasha Hindiga ah iyo filimka TOH qiimeynta uu helay

  1. Zaki cade Reply

    November 9, 2018 at 9:48 am

    Sidaas darteed madhihi karnaa thugs of Hindustan uma joojinayo dhibcaha uu helay ee wuxu samenayaa score cusub

    • Zakarie Abdi Reply

      November 9, 2018 at 9:53 am

      Wuuba sameeyay iskoor cusub maalinta kowaad madaama 50 Crore uu keenay qiyaasta hore sidoo kalena ilaa Axad ganacsi weyn ayuu sameyn doonaa, laakiin laga bilaabo Isniinta ayuu hoos u dhac sameynaaa sida Race 3 oo kale waayo isku qiimeyn ayay daawadayaasha agtooda ka heleen haddii la isku sheeg sheego inuu filim xun yahay mustaqbalka dheer halka uu hiigsan lahaa ayay caqabad xoogan ku noqoneysaa.

  2. Zaki cade Reply

    November 9, 2018 at 10:30 am

    Macalin zakariye filinka sheekadiisa miyaa xun mise qaabka loodhigay ayaa liidata

    • Zakarie Abdi Reply

      November 9, 2018 at 10:41 am

      Sheekadiisa ayaa aad u liidato, halka saac hore ayuu wanaagsan yahay balse halka saac dambe ayuu aad u liitaa isku xir ahaan iyo sheeko ahaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *