Aqristayaasha qiimaha badan waxaan horey idin kula wadaagnay awooda atoorayaasha Bollywood-ka ee xiligan gudaha Hindiya taasi oo aan shabakada BOI kasoo xiganay waxaana kaalinta kowaad ku jiray Megastar Salman Khan. Haatana BOI waxay soo daabacday awooda atoorayaasha suuqyada caalamka waxaana hogaanka u haayo isla Salman Khan.

Inkastoo Salman labadiisa filim ugu dambeeyeen Bharat iyo Dabangg 3 wacdaro lixaad leh suuqyada caalamka ka dhigin haddana dhibcahiisa guud awood ahaan waa kuwa sareeyaan weliba Dabangg 3 oo ah filim Action ah fariintiisa gobolada UP, Bihar iyo MP ku xeen daabnaayeen in $8m suuqyada caalamka ka keeno waa wax weliba $3m oo ka mid ah USA/Canada ayuu ka keenay.

Dhinaca kale SRK weli waa awood ka jirto suuqyada caalamka inkastoo filimadiisii ugu dambeeyeen Jab Harry Met Sejal iyo Zero gudaha Hindiya siweyn uga fashilmeen haddana suuqyada caalamka waxay kasoo xareeyeen min $10m ka badan taasi oo muujineyso haddii SRK soo rogaal celiyo oo filimo la imaado in awoodiisa suuqyada caalamka hogaan ahaan soo ceshan doono.

Ranveer Singh waa atooraha labaad ee suuqyada caalamka ugu awood badan madaama filimadisii Padmaavat iyo Gully Boy wacdaro weyn daafaha caalamka ka dhigeen balse farqi 300 dhibcood ka badan waxaa hogaanka kaalinta kowaad kaga haayo Salman Khan inkastoo uu soo qaban karo haddii awoodiisa suuqyada caalamka sidaan usii socoto.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka atoore ee suuqyada caalamka xiligan ugu awooda badan iyo mid walbo dhibcaha uu heesto waxaana qiimeyntan lagu saleeyay bishii Febraayo ayadoo atoore kasto dhibcaha uu heestay bishii Janaayo sidoo kalena warbixinta hoose lagu xusay:

1. Salman Khan: 1323 points (1380 dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

2. Ranveer Singh: 1000 points (1035 dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

3. Shahrukh Khan: 483 points (526 dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

4. Ranbir Kapoor: 411 points (434 dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

5. Tiger Shroff: 361 points (354 dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

6. Hrithik Roshan: 349 points (349 dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

7. Aamir Khan: 340 points (340 dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

8. Akshay Kumar: 162 points (160 dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

9. Varun Dhawan: 9 points (115-dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

10. Ajay Devgn: -40 points (2-dhibcood ayuu heestay Janaayo 2020)

F.G: Qiimeynta suuqyada caalamka waxaa lagu saleeyaa fagta kowaad ama sedexda maalmood ugu horeyso ganacsiga filimada sameeyaan ee dhibcaha laguma helo filimka cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameeyo. Awooda atooraha sedexda maalmood ugu horeyso ayay ku xeen daaban tahay hal beegana wuxuu yahay $2.3m filimka inuu keeno ama ka sare maro sedexda maalmood ugu horeyso si uu atooraha dhibco u helo haddii uu hal beegaas ganacsi ahaan filimka ka hoos maro atooraha dhibco ma helaayo isaga ayay dhibco ka jarmayaa.

Majiro filim soo baxay sanadkan 2020 ee qiimeyntan ku saleesay kaasi oo Febraayo iyo wixii ka horeeyay la daawaday oo suuqyada caalamka $2.3m ka keenay sedexda maalmood ugu horeyso waana sababta keenay in Ajay iyo Varun Dhawan dhibcahooda hoos u dhacaan sababtoo ah Tanhaji wuxuu keenay $1.71m halka Street Dancer 3D isagana keenay $1.22m sedexda maalmood ugu horeyso weyna ka hooseeyaan hal beega BOI dajisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here