Home » Box Office » Maqaal ay BOI kasoo qortay siyaasada kooxda Race 3 dib ugu dhigeen iibinta tikit-yada hormariska loo iibsanayo

Maqaal ay BOI kasoo qortay siyaasada kooxda Race 3 dib ugu dhigeen iibinta tikit-yada hormariska loo iibsanayo

Shabakada Boxoffice India ayaa maqaal kasoo qortay filimka Race 3 iyo sida hormariska ah tikityadiisa loo iibsanayo balse waxay iftiimiyeen in kooxda filimkan ay qaateen siyaasad u gaar ah.

Race 3 tikityadiisa la iibsanayo dhanka 2D ama tiyaatarada dadka caadiga ah u daawasho tagaan shalay oo Arbaco ah ayaa toos loo furay in la iibsado halka laga soo bilaabo Axadii kaliya la ogolaa in la iibsado tikit-yada 3D.

Tani waxay ka dhigeysaa hubanti ahaan Race 3 inuu aad kaga gaabiyay tikityada hormariska loo iibsan lahaa marka lala bar bar dhigo Tiger Zinda Hai.

Tiger Zinda Hai waxaa albaabada loo furay Axad in si toos ah loo iibsado tikit yadiisa 2D ee tiyaatarada dadka caadiga ah u daawasho tagaan waxaana si hormaris ah loo helay 25 Crore lacago gaareyso waana filimka ugu badan Hindi ah ee lacagta ugu badan tikit hormaris ah laga helo waa haddii aan xisaabta lagu dareyn Bahubali – The Conclusion iyo Avengers – Infinity War oo 30 Crore ka badan hormaris ahaan tikityadooda la iibsaday.

Kooxda Race 3 waxay ku kalsoon yihiin in filimkooda shalay iyo maanta tikit yada tooska loo iibsaday ee hormariska ah qaybta 2D sababi doonto berito oo Jimco ah inuu ganacsi waali ah sameeyo balse waxaa u fiicneyd inay Axadii sii furaan in tikityada caadiga ah lasii iibsado taasi oo ka caawin laheyd filimkan inuu iskoor waali ah sameeyo dhanka lacagaha laga helo tikit-ka hormariska loo iibsado oo uu xitaa Tiger Zinda Hai dhaafi lahaa.

Kooxda Race 3 hadda waxay adeegsadeen siyaasada Golmaal Again oo filimkan la sameeyay in tikit yada si hormaris ah loo iibsanin maalmo badan kadibna markii Jimcadii tiyaatarada la saaray uu Boxoffice-ka gil gilay asigoo keenay 30.10 Crore.

Waxaan sugnaaba waa maalinta berito ah iyo ganacsiga kowaad ee uu Race 3 sameyn karo waana hubanti inuu Boxoffice-ka gil gili doono madaama aan fagtii hore toos loo fasixin tikityada si waali ah hormaris ahaan loo iibsado.