
Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa maqaal kasoo diyaarisay qorshaha ay damacsan yihiin jilaayaasha iyo shirkadaha ugu awooda badan Bollywood-ka inay ku dhaqaaqaan madaama saameynta karoonaha dunida oo idil kasii yaraaneyso balse taxadir badan loo baahan yahay ka hor inta aan albaabada 100% loo furin tiyaatarada caalamka sidaa darteed Bollywood-ka sanadkan qeybihiisa dambe iyo sanadka dambe 2022 aflaantii ugu waa weynaa ebid ayay diyaarsadeen.
Shabakada BOI waxay leedahay looma baahno kuwa tiyaatarada iska leh iyo kuwa cajaladaha qeybiyaan inay ka cabsadaan shirkada adeega Online ahaan filimada loogu daawado bixiyaan OTT oo tan iyo bartamihii sanadka hore saameyn xoogan la imaadeen saameyntii karoonaha awgeed filimo waa weyn iibsadeen kadibna Internet-ka ku qabsadeen.
Haddaba BOI waxay soo bandhigta filimada waa weyn ee Bollywood-ka soo wadaan kuwaas oo dabyaaqada sanadkan ama sanadka dambe 2022 la daawan doono hubaal ahaana dadka ku qasbi doonaan inay tiyaatarada soo aadaan sidoo kalena la iska hilmaami doono adeega OTT waxaana filimadaas ka mid ah:
Pathan waxaa hogaamiyaal ka ah SRK, Deepika iyo John Abraham
Tiger 3 waxaa hogaamiyaal ka ah Salman Khan iyo Katrina Kaif
Fighter waxaa hogaamiyaal ka ah Hrithik Roshan iyo Deepika Padukone
Brahmastra waxaa hogaamiyaal ka ah Amitabh Bachchan, Ranbir Kapoor & Alia Bhatt
Animal waxaa hogaamiyaal ka ah Ranbir Kapoor, Bobby Deol, Parineeti Chopra & Anil Kapoor
Adipurush waxaa hogaamiyaal ka ah Prabhas iyo Saif Ali Khan
Mayday waxaa hogaamiyaal ka ah Amitabh Bachchan, Ajay Devgn & Rakul Pureet Singh
Heropanti 2 waxaa hogaamiyaal ka ah Tiger Shroff & Tara Sutaria
Ganpath waxaa hogaamiye ka ah Tiger Shroff
Cirkus waxaa hogaamiyaal ka ah Ranveer Singh iyo Jacqueline Fernandez
Jug Jugg Jeeyo waxaa hogaamiyaal ka ah Varun Dhawan, Anil Kapoor, Kiara Advani & Neetu Singh
Ranbir & Shraddha filimkooda xiga ee aan wax magac ah loo bixinin.
Bachchan Pandey waxaa hogaamiyaal ka ah Akshay Kumar, Arshad Warsi, Jacqueline & Kriti Sanon
Sidoo kale waxaa macquul ah 2 ilaa 3-filim kale Akshay Kumar hogaamiye ka yahay la daawado 2022 halka Ajay Devgn, Ranveer Singh, Varun Dhawan labo filim la imaan karaan sanadka dambe sidoo kale John Abraham, Kartik Aryan iyo Ayushmann Khurana min 3-filim la imaan karaan 2022 sidaa darteed 25-filim oo mid walbo marka ay ugu yar tahay 100 Crore ganacsi ah sameyn karo ayaa Bollywood-ka u qorsheesay sanadka dambe oo ay rabaan inay ganacsigooda lumay tan iyo horaantii 2020 kusoo ceshtaan.