Shbakada Boxoffice India (BOI) oo ah shabakad ku xeel dheer wax ka qorista ganacsiga aflaanta Bollywood-ka iyo awoodaha jilaayaasha ayaa maqaal gaar ah kasoo daabacday Superstar Rishi Kapoor oo xanuunka kansarka maanta u geeriyooday asigoo 67-jir ah.

Haddaba maqaalka BOI kasoo qortay waayihii fanka Hindiya Rishi Kapoor ku lahaa oo kooban balse arimo muhiim ah lagu iftiimiyay fadlan hoos kaga bogo:

Waa Kuma Rishi Kapoor:

Rishi Kapoor 50-sano ayuu fanka kusoo jiray waa atoore waqtigiisa Bollywood-ka u huray wuxuuna jilaagan la dhibtoonayay labadii sano ugu dambeesay xanuunka kansarka asiibay oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday. Waayihiisii fanka wuxuu ka tagay dhaxal taariikhi ah madaama guulo dahabi ah uu soo qaatay asigoo aflaanta hogaamiye ka noqon jiray wuxuuna sameeyay filimo caan ah oo taariikhda fanka Hindiya galeen fariin ahaana aflaanta jaceylka iyo muusigada xambaarsan ayuu aqoonsi weyn ku helay, waana arin murugo leh in fanka Hindiya shaqsi sidaas u weyn ka baxay.

Goormuu Waayihii Fanka Soo Bilaawday & Maqaamkii Uu Gaaray:

Rishi Kapoor waayihiisii fanka wuxuu soo bilaawday sanadii 1970 asigoo wiil yar ah wuxuu kasoo muuqday filimkii caanka ahaa Mere Naam Joker ee aabihiis hogaamiye ka ahaa, kadibna sanadii 1973 ayuu sameeyay filimkiisii kowaad ee uu kaligiis hogaamiye ka ahaa asigoo wiil weyn ah waxaana kula jirtay Dimple Kapadia wuxuuna noqday atooraha taariikhda fanka Hindiya HIT-ka ugu weyn sameeyo bilaabashadiisa fanka Hindiya waayo Bobby waa All Time Blockbuster wuxuuna jebiyay iskoor walbo oo Bollywood-ka horey ugu yiilay wuxuuna ka mid yahay taariikh ahaan Blockbuster-da ugu weyn ebid fanka Hindiya sameeyeen.

Muxuu Ka Dhaxlay Rishi Kapoor Filimkii Bobby:

Bobby wuxuu ka caawiyay Rishi Kapoor si deg deg ah inuu xidig weyn ku noqdo kadibna xidignamadiisa wuxuu kusii adkeestay filimada Blockbuster-da waa weyn u noqdeen sida Laila Majnu (1976) iyo Hum Kisse Kum Nahin (1977). Shabakada BOI waxay ka dhawaajisay 70-maadkii uu ahaa waqtigii ugu dahabi sanaa ee fanka Hindiya soo maray waayo filimo badan oo atoorayaal badan kasoo wada muuqdeen ayaa Blockbusters taariikhi ah noqdeen. Laakiin Rishi Kapoor ayaa sameeyay Blockbuster-kii ugu weynaa 70-aad ee hal atoore kaligiis sameeyay waana filimka Bobby, waan ognahay in Sholay uu yahay Blockbuster-ka ugu weyn ebid Hindiya sameeyay soona baxay sanadii 1975 balse waa filim labo atoore wada jileen halka Bobby Rishi kaligiis sameeyay.

70-maadkii waa xiligii Superstar-da fanka Hindiya ugu awooda badan taariikh ahaan awoodooda cirka gashay sida Rajesh Khanna, Dharmendra iyo Amitabh Bachchan haddane Rishi Kapoor wax weyn ayay u tahay in samankaas uu ragaas wax la qeebsaday sidoo kalena uu sameeyay HIT-kii ugu weynaa 70-maadkii ee hal atoore kaligiis sameeyay.

Rishi Kapoor Darajada Atoore Walbo Gaari Karin Ayuu Gaaray:

Rishi Kapoor waayihiisa fanka waxaa u suura gashay 25-filim HIT dhameestiran noqdeen iyo ka badan ayuu sameeyay wuxuuna ka talaabay darajada atoore kasto gaari karin waayo taariikhda fanka Hindiya oo 100-sano iyo ka badan ku xeen daaban kaliya 10-atoore ayay u suura gashay inay 25-filim HIT dhameestiran (Silver Jubilee Hits) sameeyaan wuxuuna Rishi qayb ka noqday raggaas sidaa darteed waa Superstar weyn oo dhaxal lama taabtaan ah fanka Hindiya ku leh.

Tani waa arin muujineyso caanimada iyo maqaamka sare ee uu Rishi Kapoor fanka Hindiya ka gaaray sidaa darteed halyee weyn ayaa fanka Hindiya ka baxay oo u suura gashay darajada atoore kasto gaari karin inuu gaaro ama uu ka talaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here