Prabhas filimkiisa Saaho ganacsigiisa wuxuu ku istaagay 302 Crore oo nafiif ah dhamaan luqadaha kala duwan ee gudaha Hindiya looga daawaday wuxuuna noqday filimka 9-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo ebid dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawaday weliba lacagta nadiifka ah canshuurta kadib.

Waxaa cajiib ah 6-filim ee ugu sareeyaan 4-ka mid ah Koonfur Hindiya inay iska leeyihiin waa markii filim walbo loo xisaabiyo dhamaan luqadaha kala duwan ee lagu daawaday ganacsiga nadiifka ah gudaha Hindiya uu ka sameeyay Sidoo kalena 3-filim ugu sareyso waa Koonfur Hindiya sidoo kalena sedexda filim kaliya u suura gashay 400 Crore nadiif ah iyo ka badan gudaha Hindiya kasoo xareeyaana waa Koonfur Hindiya!

Bahubali 1, Bahubali 2 iyo 2.0 oo ah sedexda filim hogaanka fanka Hindiya u hayaan waa sedex mashruuc oo si caalami ah loo sameeyay tayo weyna ka muuqato waana waxa Bollywood-ka ka maqan inay sameeyaan aflaan Hindiya oo idil ka gadmi karto sidoo kalena waa arin qalad weyn ah in aflaanta Bollywood-ka ku adkaato 400 Crore nadiif ah soo xareeyaan marka loo eego tiyaatarada ay heestaan, qiimaha tikit-ka oo sare loo qaado iyo canshuurta oo dolwada hoos u dhigtay.

Haddii filimka Saaho ganacsi adag ama soo dhaweyn heer sare ah dhanka Koonfur Hindiya ka heli lahaa waxayba sheekada noqon laheyd afarta filim lacagaha ugu badan gudaha Hindiya kasoo xareeyeen dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawaday inay Koonfur Hindiya ahaan lahaayeen.

Dhinaca kale filimka War oo wel tiyaatarada saaran isagana waxay u badan tahay inuu ka mid noqon doono 10-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawaday asigoo haatan kaalinta 12-aad fadhiyo balse hubaal ahaan kasoo dalaci doono.

Fadlan hoos kaga bogo 20-ka filim ee lacagaha ugu badan gudaha Hindiya kasoo xareeyeen laguna daawaday luqado kala duwan waana canshuurta kadib ama lacagta nadiifka ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Bahubali – The Conclusion – 1115.86 crore

2. Bahubali – The Beginning – 418.54 crore

3. 2.0 – 413.30 crore

4. Dangal – 387.29 crore

5. Tiger Zinda Hai – 339.00 crore

6. PK – 337.72 crore

7. Sanju – 334.58 crore

8. Bajrangi Bhaijaan – 315.49 crore

9. Saaho – 302.31 crore

10. Sultan – 300.67 crore

11. Padmaavat – 295.46 crore

12. War – 277 crore qiyaas ahaan (14 -maalmood)

13. Kabir Singh – 276.34 crore

14. Dhoom 3 – 271.53 crore

15. Uri – The Surgical Strike – 244.01 crore

16. Simmba – 239.85 crore

17. Kick – 211.63 crore

18. Chennai Express – 207.69 crore

19. Enthiran – 205.87 crore

20. Golmaal Again – 205.50 crore 

F.G: Filim walbo waxaa la isugu daray luqadaha kala duwan ee lagu daawaday Hindi, Telugu, Tamil, Malayam, Kannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here